Hargeysa [Hubaal]- Ciidanka Dab-demiska Caasimada Magaalada Hargeysa ayaa maanta Abaaro 9:45 Subaxnimo lagu soo wargeliyay Dab ka kacay Suuqa Gobanimo ee Magaalada Hargeysa, Ciidanka Dab-demiska ayaa sidii caadada u ahayd u baxay dabkaas markii lagu soo wargeliyay, waxaana dabkaasi ka bilaabmay oo u qabsaday Bakhaar Lagu kaydiyo Muuska oo ku Hoos yaala Fooqa Xisbiga.
Dabkan ayaa sida dadweynahu u sheegeen ciidanka dabdemiska caasimada ay sabab u ahayd gubashadiisa Girgire lagu diirinayay Muuska Qaydhin si uu hore ugu Bislaado, isla markaana la dhigay Bakhaarkaasi, waxaana girigirahaasi sababay in dab ka kaco bakhaarkaas.
Dhanka kale Guryaha iyo meheradaha Xusbiga ayaa ah guryo aad isku dhadhaw waxaana Guri Buula oo ku dhinac yaala uu isna gaadhay dabkaasi, ciidanka dabdemiska ayaa isna ka xakameeyay dabkaas, waxaana ciidanku soo badbaadiyeen Qof Dumar ah oo waayeela, Hooyo iyo Laba caruur ah oo ku jiray Gurigaa Buulkaa.
Dabkan ayaa wuxuu halis galiyay Guud ahaan Suuqa Ganacsiga Gobanimo Gaar ahaan Fooqa Xusbiga oo ay dhex degan yihiin boqolaal qoys oo danyar ah iyo Ganacsato yar yar, waxana markastaba ay halis u yihiin in dab ka kaco isla markaana uu si fudud khasaare Ballaadhan u geysto.
Hawlgalkaa ayaa waxaa Hogaaminayay Hogaanka Sare Ee Ciidanka Dab-demiska Taliye Xigeenka, Agaasimaha Fulinta iyo Hogaamada iyo saraakiisha kala duwan ee ciidanka dabdemiska.
Ugu dambayn ciidanka dabdemiska qaranka ayaa fariin guud u diraya dhamaan shacbiweynaha ku dhaqan jamhuuryiada Somaliland gaar ahaan shacbiga caasimada ee suuqa Gobanimo iyo suuqyada kale duwan ee caasimada iyo dalka, waxaana ciidanku ku talabixinayaa in wax laga qabto oo la kala raro qoysaska danyarta ah iyo ganacstada yar yar ee sida qaabka daran u dhex degay fooqa xisbiga iyo guud ahaan suuqaasi, masiibo kasta iyo dhib kastaana in laga hortago ayay ku wanaagsanyihiin.
Wabillahi Tawfiiq.
Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL.
Hargeysa/Somaliland.
Hargeisa@Gmail.com
Connect with Ciidanka Dab-demiska/Twitter/Youtube/Facebook.
Emergency Call 990