Ciidanka Ilaallada Madaxtooyada Oo La Weriyey In Ay Wasiirka Biyaha Ka Hor-joogsadeen Shirka Golaha Wasiirrada

0
143

Amar Ay Askarta Afaafka Madaxtooyadu Fareen WAsiirka Oo Sababtay In Loo Diido Gelitaanka Dhismaha Shirarka Lagu Qabto Iyo Wasiirro Goob-joog U Ahaa Khilaafka Oo Ladqabo Isku Dayay

 wasiirka-biyaha-baashe-cali

Hargeysa (Hubaal):- Wasiirka wasaarada Biyaha Somaliand Baashe Cali Jaamac ayaa la sheegay in uu ka baaqsaday ka qayb galka shirkii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirradu isugu yimaadaan Maalin kasta oo Khamiis ah, shirkaas oo   wasiirku markii hore ku talo galay kaqayb galkiisa hase yeeshee uu markii dembe dib uga noqday kadib markii sida la sheegay uu ka cadhooday dalab ay  ciidanka illaallada madaxtooyadu kadalbadeen.  Warar labadii caanno maal ee u dembeeyey barkulanka bulshada lagu hadal hayay ayaa tibaaxay in ay ciidanka Ilaallada madaxtooyadu ku amreen  wasiirka in baadhitaan lagu sameeyo, ka hor intii aanu gelin dhismaha madaxtooyada ee Hall-ka shirarku ku yaallo.  Amarkaas ayaa sida aanu xogaha ku hayno uu Wasiir Baashe ku gacan saydhay ciidanka isaga oo sheegay in aanay jirin kellifaysa in baadhitaan la mariyo maadaama oo uu yahay wasiir xasaannad leh isla markaana uu shaqo qaran oo joogto ah u yimaado madaxtooyada. Dalabka ciidanka iyo diimada wasiirka oo sida warku tibaaxay muran ka dhex abuurtay  afaafka madaxtooyada ayaa la weriyey in ay xubno wasiirro ah oo goob joog ka ahaa halkaasi ay isku dayeen inay soo dhex galaan labada dhinac, hase yeeshee wax natiijo ah kamay gaadhin dhex dhexaadintooda. Lama hubo in baadhitaanka la weriyey in ciidammada amnigu ku amreen in ay wasiirka Biyaha ku sameeyaan ay tahay mid hore uga jirtay aqalka madaxtooyada iyo in kale hase yeeshee xiisaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu wasiirku ka biyo diidsan yahay qaabka loola dhaqmo isaga iyo farogelinno uu sheegay in wasiirka madaxtooyadu ku hayo wasaarradiisa, taasoo  uu dhawaan dhaliiilay in masuuliyiinta ka hoosaysay isaga [Wasiir Baashe] aanay ka amar qaadan iyaga oo isku hallayn ka qaba aqalka madaxtooyada. Wasiir Baashe Cali Jaamac Iyo wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo aanu xalay isku daynay inaanu wax ka weydiinno arrimahan ayaanay noo suurto gelin kadib markii aanu khadka telefoonka ku weynay masuuliyiintan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here