Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Kala Dhex Galay Beelaha Ku Dagaalamaya Deegaanka Dharkeyn Ee Gobolka Sool

0
36

Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa kala dhex galay beelaha walaaha ah ee  deegaanka Dharkeyn ee Gobolka Sool  dagaalku ku dhex maray, kuwaas oo shalay iyo maantaba uu dagaal xoogani ku dhex maray halkaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Sidaasna waxa sheegay Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland, waxaanuu ciidanka qaranka ku hambalyeeyey sida ay u kala dhex galeen beelahaasi dagaalamaya, waxaanuu ugu baaqay beelahaasi in ay dagaalka joojiyaan oo ay nabad ku xalliyaan arrimohooda.

ciidanka qaranks jsl

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) oo warbaahinta kula hadlayey hargeysa, ayaa waxa uu yidhi “Ciidamada qaranka Somaliland, ayaa maanta gaadhay goobta ay colaadu ku dhex marayso labada beelood ee walaalaha ah ee Dharkeyn, waanay kala dhex galeen labadaas beelood ee dagaalamaya, waan ku hambalyeynayaa ciidamada oo waxa weeyaan arrin masuuliyadooda ah oo ay guteen ciidanku, nabad ha laga taliyo ayaan leeyahay, xukuumadda Somaliland waxaan leeyahay arrintaasi inta ay cusubtahay ha la gaadho, rag badan ayaa halkaas ku dhintay kuwo kalena way ku dhaawacmeen” ayuu yidhi xilodhibaanku.

Dagaalkan oo ah mid culus oo ay labadaasi beelood ee walaalaha ah ku dhex maraya deegaanka dharkeyn, ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada  dad badan iyo dhaawacba, kaas oo shalay iyo maantaba  ka dhacay halkaasi, balse ay markii dambe ciidanka qaranka Somaliland kala dhex galeen.

Baaqyada nabadda ee loo jeedinayo beelahan dagaalamaya ayaa isasoo taraya, kuwaas oo lagaga dalbanayo in ay colaadda joojiyaan oo ay nabadda qaataan, isla markaana wixii jira ay wada hadal iyo waan waan ku xalliyaan balse ay joojiyaan dhiigga daadanaya ee dadka walaalaha ah.

Badhasaabka Sool iyo Dagaalka Dharkeyn

Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise Shiine , ayaa sheegay in ay ciidanka Somaliland kala dhex galeen beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya  deegaanka dharkayn ee gobolka sool, waxaanuu yidhi

“Magaaladda Laascaanood waxaanu go’aaminay in ciidan boolis iyo millateriba leh la geliyo, kuwaas oo sugaya amniga magaaladda laascaanood, waxaan ugu baaqay dhalinyrada joogta magaaladda laascaanood  ee ka soo kala jeeda beelaha dagaalamaya in aanay isku dayin in ay magaalada dhexdeeda hub la dhex socdaan, illaa xalay qolyaanu ururinay dadna waa la xidh xidhay” ciidanka qaranka Somaliland, ayaa maanta  [Shalay] gaadhay deegaanka Dharkeyn geenyo oo waxa ay joojiyeen rasaastii dhacaysay, ciidankaas ayaa ka masuul ah oo la wareegaya amaanka dharkeyn geenyo, tuulooyinka u dhowna ciidanka ayaa gacanta ku dhigaya, waxaan ka codsanayaa odayaasha labada dhinac in ay nabadda ilaaliyaan, waxaan u sheegayaa kuwa ku soo dhex dhuumanaya ee buuhoodle waxa ka soo diraya ka dhex baxa dhiiga dadka walaalaha ah ha ku soo dhex dhuumanine”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here