Ciidanka RRU-da Iyo Sirdoonka Oo Xabsiga U Taxaabay Sheekh Axmed Muxumed Axmed Oo Ka Mid ahaa Culimada Reer Hargaysa

0
37

Ciidanka Booliska ee loo yaqaano RRU-da ayaa Saakadii hore waxa ay Xabsiga u tabaaxeen Sheekh Axmed Muxumed Axmed oo ah Munaadin u dhashay reer Somalilad, kaasoo ay la sheegay in qabashadiisu ka dambaysay tuhun la xidhiidha inuu ka mid yahay Kooxda Al shabaab ee Islaamiga ah

rru

Hargaysa(Hubaal):-Ciidanka Booliska ee loo yaqaano RRU-da ayaa Saakadii hore waxa ay Xabsiga u tabaaxeen Sheekh Axmed Muxumed Axmed oo ah Munaadin u dhashay reer Somalilad, kaasoo ay la sheegay in qabashadiisu ka dambaysay tuhun la xidhiidha inuu ka mid yahay Kooxda Al shabaab ee Islaamiga ah.

Sheekhan oo deggan Xaafadda Axmed-guray ee degmada Axmed dhagax ayaa la sheegay in subaxnimadii hore saaka ay ku waabariisteen Ciidanka RRU-da oo kaashanaya Ciiddamada Sirdoonka qaranka oo la sheegay inay daba-gal ku hayeen bilihii u dambeeyey oo dhan, isla markaana ay saaka gacanta ku dhigeen isagoo ku sugan Gurigiisa, waxaana la sheegay inay si xun u garaaceen, isla markaana ay isagoo bilaa maryo ah oo qaawan ay gaadhiga saarteen.

Haddaba, Shabakada wararka ee Hadhwanaagnews.com, ayaa warar ay ka heshay Saraakiil Sirdoonka waxa ay tibaaxayaan in Sheekh Axmed Muxumed Axmed uu tiraba saddex jeer u yeedhay Taliyaha Sirdoonka Qaranka Jaamac Bootaan, isagoo ka codsaday inuu la shaqeeyo Sheekhanu, hase yeeshee uu Sheekhu ka cudur-daartay inuu la shaqeeyo Sirdoonka, iyadoo ay arrintaasi ka dhalatay kadib markii ay Sirdoonku ka war heleen inuu xidhiidh la leeyahay Kooxda Islaamiga ah ee AL shabaab.

Warku waxa uu intaas ku daray in tan iyo wixii ka dambeeyey wakhtigaas oo ahayd Sanadka hor, in daba-gal lagu hayay Sheekhan, isla markaana uu jirey tuhun aan cadayn oo uu Ciidanka Sirdoonka ka qabay, hase yeeshee sida ay Xaafadiisu noo xaqiijisay waxa uu Sheekhani ahaa Macalin wax ka dhiga Mareegaha Online-ka ee Xifdiga Qur’aanka kariimka ah, isla markaana uu intaaba Cabasho ka qabay Daba-galka tooska ah ee lagu hayey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here