Ciidanka RRU-da oo Dad ka soo qab-qabtay Degmada Qorulugud

0
34

Qorulugud(Hubaal)-Kolanyo Ciidan Booliska Somaliland ee RRU-da loo yaqaano, ayaa howl-gal nabad-ilaalin ah loo geeyay Deegaanka Qorulugud, kaddib markii ay Maleeshiyo beelleed deegaankaa ka soo jeeda dilal isdaba-joog ah ka geysteen Jiida u dhexeysa Buuhoodle iyo Qorulugud.

rruCiidankan oo sida la sheegay gaadhay labadii maalmood ee u dambeeyay Magaalada Qorulugud, Maanta  howl-galo ay fuliyeen waxay ku soo qabqabteen tiro dad ah oo lagu eeddeynayo inay ka dambeeyeen Dilal dhowr ah oo ka dhacay jiidaha Xoollo daaqeenka ah ee ay Ood-wadaagta ka yihiin Beesha Buuhoodle.

Saraakiil ku sugan Magaalada Qorulugud, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyey inay Boolisku qabqabteen ilaa shan Nin oo dhalinyaro u badan, kuwaasoo la tuhunsanyahay qayb ka ah Kooxaha reer Guuraaga ah ee hubaysan.

Ma jiro wax war ah oo dhinaca Saraakiisha Booliska ee Gobolka Togdheer iyo Taliska Guud toona ka soo baxay, hase-ahaatee talaabadan howl-galada RRU-da ayaa si weyn looga soo dhaweeyay Deegaanka oo ay muddo afar sannadooda saameyn ba’an ku yeellatay colaada ehliga ah ee ka taagan Baliga lagu muransanyahay ee Kalshaale.

Wararka laga helayo Bulshada deegaanku waxay intaasi ku dareen in talaabada Ciidanka Booliska halkaas lagu geeyay ku timi codsi ka yimi Madaxdhaqameedyada Bariga Burco oo labadii bilood ee u dambeeyay shirar nabadeyn ah ka waday Magaalada Qorulugud. Dedaalada nabadeed ee ay Isimadu wadeen ayaa waxa la sheegay inay caqabad ku noqdeen Dilal ay Dhalinyaro hubaysan oo duur gal noqotay ku beegsanayaan Dad aan waxba galabsan oo Xoollo dhaqato ah, kana soo jeeda Beesha Buuhoodle ee ay waan-waanta nabadeed u socoto Waxgaradka iyo Madaxdhaqameedka dhanka Qorulugud.

Waa markii u horaysay ee ay Ciidanka nabad-gelyadu si buuxda u qaadaan howl-galo noocan, marka laga yimaado joogitaanka Ciidanka Milateriga Somaliland ee fadhigoodu yahay Aaga Maygaagle, Ciidankaasoo laga madnuucay inay mar dambe dhex-galaan xiisada soo noqnoqotay ee u dhexaysa Bulshada xoollo dhaqatada, kaddib markii ay waji siyaasaddeed isu bedeshay maslaxad nabad-gelyo oo bilowgii shaqaaqada halkaa loo geeyay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here