Daraasad cusub oo ay sammaysay Jaamacadda Texas ee carriga Maraykanka ayaa daah-furtay in xabxabku 92% yahay biyo, 8% soo hadhayna yahay maaddo loo yaqaanno Faytonuyuutranti sitruliin, taas oo u badasha amino aysiidha aajaniin. Amiino aysiidhani oo ah qurubka ugu yare uu ka sammaysanyahay Barootiinku waxay kala bixisaa dhuumaha dhiigga qaada.
Cilmi-baadhistani waxay sidoo kale sheegaysaa in xab-xabka oo la badsadaa ay dardargelinayso wareegga dhiigga ee taga xubinta taranka ee ragga. Tanina ay faaido weyn u leedahay dadka guud ahaan, gaar ahaanna odayaasha. Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Fruit and Vegetable Centre ayaa tibaaxay in la badiyo xadiga maadadda ku jirta xabxabka ee sitruliin. Dhinaca kale, badsashada xad-dhaafka ah ee ay haweenku cunaan xabxabka ayaa keeni karta in hoos uu u dhaco soo saarista dheecanka eestorajiin, sababtoo ah waxa ku jira maaddo la yidhaahdo karootiin inkasta oo ay xaddi yari ku jiraan. Tani waxay saamayn taban ku yeelan kartaa ilmo galeenka sida uu ku doodayso Dr Sony Sierra oo ka tirsan Jaamacadda Toronto Kuliyadda Caafimaadka. Isku soo wada xooriyoo, cunnida xab-xabka ayaa si xeel dheer kor ugu qaadda caafimaadka qofka, yadoo uu hab-dhiska dhiig-wareeggana si togan uga shaqeeyo. Waxa xusid mudan in waddankeenna uu si buuxda uga soo go’o xabxabku isla markaana meel kasta lagu gado. Sidaas daraadeed, aad ayay saynisyahannadu ugu talinayaan il loo cunno.