Cilmi Baadhis: Toban Sano Kadib, Dib U Habaynta Maamulka Dawliga Somaliland. (Somaliland Public Management Reform)

0
10

“Maxaa Qabsoomay, Maxaa qabyoobay, Maxayse u Qabyoobeen?”

 

Qoramadda Kowaad:-

Waddamadda afrika oo ay somaliland ku jirtoy,  waxay muddo dheer ku haminayeen in ay wadamadooda ka hirgaliyeen dib habayn maamul., si loo xaqiijiyo horumar waara oo la majeerto, maxaa yeelay hayaddo dawladeed oo si hufan u shaqeynaaya waxay ka qayb qaadanaysaa la dagaalanka faqriga, isla markaasina waxay  abuuri  fursaddo dhaqaale oo ka qayb qaata wax ka bedelka heerka nololeed ee bulshadeena.  In kastoo ay jireen caqbado maamul oo mar walba horyaalay in la saxo maamulka dawliga ah ee dalkeena,  deganaan la’aan siyaasadeed, sida maaliyad la’aan, ka gonaansho la’aan maamul,  waxana badelka maamul tayo leh   Maamul xumo, musuq-maasuq, iyo isla xisaabtan la’aan, oo ka mid noqday hawul maalimeedka joogtadda ah ee maamulka dawladdiga ah ee wadankeena, saamayn taban ku yeeshay in si hufan loogu adeego guud ahaan bulshadda. Si loo xaliyo ama wax looga qabto dhamaan dhibaatooyinka maamul ee  aynu kor ku soo xusnay, waxa xalku noqday la  heli maamul oo ku iman karra  dib habayn guud lagu sameeyo nidaamaka maamulka dawliga ahh (Public Management Reform).

Dib u habayntan waxay  bilaabantay sanadkii 2008 oo hadda laga joogo muddo dhan 10 sanno (one decade), waxana u jeedooyinka ay dib u habayntaasi  xambaarrsanayd  ay ahayd hirgalinta maamul dawli oo casri ah,  oo ka madhan musuq-maasuq, kuna dhisan maamul wanaag, xaqiijin karrana, in la gaadho jeedooyin dhaqan-dhaqaale oo la majeerto,  waxana ay ahaayeen sababaha ugu waaweyn ee dabadda ka riixayay dib u habayntan:-

 

  1. Culayska nolaleed iyo  dhaqaale ee dalka ka jiray.
  • Sixir-bararka iyo hoos u dhaca dhaqaale ee joogtadda ah, waa mid ka mid noqoday nolol maalimeedka bulshadeena madaama aanay jirin siyaasaddo dhaqaale oo lagu maamuli karro dhaqaalaha yar ee wadankeena, waxana baahidu tahay in helo maamul dawli ah oo leh, oo xaqiijin karra horumar waara oo la gaadho.
  1. Dalabka deeq bixiyayaasha caalamiga ah (International donors)

Deeq-bixiyayaahsa caalamiga ah oo mar walba shuruud uga dhigayay deeqaha ay bixinayaan in la helo maamul ka madhan mus-maasuq, lehna la xisaabtan dhamaystiran, ahna mid casri ah, si loo hubiyo mashaariicdda iyo deeqaaha ay bixiyaan in ay gadhaan meelihii loogu talogalay. Dib-u habaynahan waxa ay ahaayeen kuwo ku jihaysan qaybahan hoos ku xusan;-

 

  1. Dib habaynta maamulka maaliyadda dawladda (public Financial management reform)
  2. Dib habaynta nidaamka shaqaalaha dawladda (Civil service reform)
  3. Dib u hayanta nidaamka cadaaladda (judiciary reform)
  4. Maamul Daadejinta (Decentralization and local governments).

 

Haddaba, waxaan mid-mid ugu falanqayn doonaa dhamaan dib-uhabaynaha aynu kor ku soo xusnay, si aan u hubino wixii qabsoomay, qabyoobay, iyo sababaha qabyoobeen, waxna aynu gogabadda cilmi baadhistan ku xusidoonaa talyooin mihiim ah, oo wax ku soo kordhindoona ama lagu sixi karro god-dalolooyinka hadda jirra.

 

Qore’  Aqoonyahan Yaasiin Nuur Mooge

 

La soco qaybaha kale………

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here