Bal ila eega waxa Cirro halahayska ka dhigtay si M/Weyne loogu doorto (Mission statement). Allow hanna shoocadayn, maxay tahay waxyabaha meel kasto uu ka hadlo la taaganyahay? Wuxuu had iyo jeer ku celceliyaa hadii lay doorto waxaan lacag siinayaa Askarta, Mucalimiinta, Madax Dhaqameed IWM.. bal hadaba aan isku dayo inaan si kooban u ifitiimiyo dhaqan xumada aan weligeed ina soo marin kana dhadhamaysa hadaladan doqoniimaysan ee Cirro oo kursi madaxmaray kasoo burqanaaya afkiisa.
Hortii iyo horayso Cirro waxay aqoontiisa siisay in dadka sharfan a reer S/Land yihiin caado qaatayaal lacag wax ku doorta yihiin. Dabeed waxay uga dhacaday ama go’aansaday oo lataliyaashiisina ku raceen inuu dadka damiirkooda caayo oo yidhaado hada lacag ma hayee amaah igu doorto waa ta geyeysiisey inuu yidhaahdo hadhaw ayaan lacag qaybinayaa frabadan oo weligeed socnonaysa. Hadaba waxa iswediin leh lacag aan xadigeeda cida soo koobi karin ee Cirro meeshu tagaba leeyahay idinkana lacag baa leediheen xagguu ka keenayaa? Kharash kasta oddros balaadhan ayaa lagu meel mariyaa. Hadaba isaga is leh dadka waad ka caqlibadantahay ayuu leeyahay lacag ayaan qaybinaya marka lay doorto. Dadkuna illeyn cawaam mahee caqle iyo argti fog oo 100/100 tiisa ka horreysa ayey leeyihiin waxaana u muuqata in ballamaha beenta ee Cirro yihiin kadh-kadha ku dhaaf dabeedna hadhaw hadiiba lagu doorto dee kaso horjeeso oo dheh meeshiba waxba ma yaalliina maxaan lacag idin siiyaa.
Waxaan usoo jeedinayaa WADANI lacag amaaha nagu doorta meel idiin wadimaysee, barnamij keena inta caqliga feyaw ee reer S/Land aad malin walb ku tumanaysaan graad darro idin biyo dhigtay awadeed.
Wa Billaahi Tawfiiq
Cal Al Caqal