Cirro Iyo Jamaal Maxaa Uga Meel-Yaal Xubnaha Xukuumadda,Garsoorka Iyo Bilayska Ee Lagu Eedaynayo Inay Lunsadeen Xoolihii Ummadda, Kuna Xad-Gudbeen Xuquuqul Iinsaanka: Haatuf Staff Writer

0
38

Waxa la filayaa in Jamaal Cali Xuseen iyo C/raxmaan Cirro ay noqdaan labada murashax-madaxweyne ee Xisbiyada UCID iyo WADANI doorashadda soo socota.

nawaaDadku Daahir Riyaale iyo Axmed Siilaanyo waxay madaxweyne u doorteen iyagoon isweydiin waxa uu midkoodna u qaban doono ummadda. dadku iyagoon isweydiinin waxa uu Daahir Riyaale dalka ku soo kordhindoono iyo waxyaabaha uu ka qaban doono mashaakilka dhaqaale, waxbarasho, caafimaad ee la daala dhacayaan ayey hadana doorteen, markii uu xukunka ka dagaynna dhibaatooyinkii jiray sidoodii uunbay u jireen oo waxba iskama badalin inkastoo uu mudadi uu xilka hayey uu ku guulaystay in uu dalka ka qabto doorashooyinkii uu horeeyey ee dadku sida tooska codkooda u dhiibtaan kuwaasoo ay ku doorteen madaxweyne, baarlamaan iyo goleyaal deegaan.

Hasa yeeshe maalinti uu madaxweyne Riyaale xilka wareejinayey qasnadda dawladdu waxay aheyd mid haawanaysa, laakiin madaxweynihii xilka kala wareegay ee Siilaanyo ayaa diiday in lala xisaabtamo wasiiradi iyo madaxdi kale ee dawladda ee ka masuulka aheyd xoolahi ummadda ee la dhacay xiligii maamulki Riyaale sababtoo ah markii ay dadku dooranayeen Siilanyo ismay weydiinin waxa uu ka yeeli doono masuuliinti xukuumaddi Riyaale ee ku caanbaxay boobka cashuurta magaca dawladeed lagaga qaado dadweynaha danyarta ah (tujaarta waaweyni ma bixiyaan cashuur macaashal macaash).

Dadku Siilaanyo waxay doorteen iyagoon waxba iska weydiinin sida nin sagaashankii cagacageynayaa uu u tamarin karo ee uu u yeelan karo karti uu wax ka qaban karo shaqo la’aant, musuqmaasuqa hadheeyey wasaaradi iyo hayadihii dawladda ee mujtamacan baday aqoonsi la’aant, horumar la’aanta iyo saboolnimada.

Waxa Siilaanyo la doortay iyadoon waxba la iska weydiinin in uu maamul-xumadii iyo rakaab-xumadii lagu yaqaanay xiligii SNM-t-a wax ka badali doono iyo in kale.

Afar sanadood iyo dheeraad ka dib waxaynu maanta arkayna dalkii oo galay marxalad ka xun tii dalka ka jiirtay markii uu Siilaanyo xilka la wareegay.

Dabcan mudadi uu xilka hayey waxqabadka Siilaanyo ee la taaban karo waxa inta badan ku koobanyahay xafiisyadii wasaaradaha oo dib loo hagaajiyey ama xarumo cusub loo dhisay, qaybo ka mid ah madaarada Berbera iyo Hargeysa oo la dayactiray iyo kaalmo ay dawladdu ka geysatay dhismihii wadooyinka Dila-Boorama, Kalabaydh-Wajaale iyo Burco-Cerigaabo iyo ceelal laga qooday qaar ka mid ah deegaanada bariga.

Waxaase mudadaasi dalka ka dhacay dhibaatooyin culculus oo madaxwyne Siilaanyo iyo qoyskiisu u geysteen ummaddan. xukuumaddu waxay guulaysatay inay cashuur aad uga badan tii jirtay xiligi Riyaale ay dadka ka urursato, laakiin dakhliga u kordhay oo lagu qiyaaso boqol milyan sanadkiiba ayaa waxa badan kiisu ahaa mid siyaabo kala duwan ugu dhaca jeebadaha madaxda dawladda iyo afmiishaarada ay adeegsadaan.

Taladii dalka ayaa dhacantay oo gacanta u gashay dad aan la soo dooran sida xaaska madaxweynaha ee Aamin Waris iyo wiilka uu sodogga u yahay ee Baashe Cawil.

Madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisu waxay xasuuqeen xoriyatal-qawlki dalka ka jiray gaar ahaan xoriyaddi Saxaafadda, xoriyaddi banaanbaxa iyo xoriyaddi Isu-imaatinka (freedom of assembly).Waxa baaba’day sumcaddi caalamiga aheyd ee Somaliland u fidday inay tahay dal dimuqraadi ah oo u qalma in la aqoonsado. Waxa wada baaba’day madaxbanaanidi iyo dhexdhexaadnimadii Bilayski iyo Garsoorkii dalka waxaanay Siilaanyo iyo Aamina Waris ka dhigteen aalad loo adeegsado cabudhinta iyo xadhigga cidkasta oo dhaliisha madaxweynaha iyo qoyskiisa.

Hadaba Jamaal iyo Cirro bal marka hore ha inoo sheegaan waxay ka qaban doonaan arimaha aynu kor ku soo sheegnay. shaki kuma jiro in Xukunkii Somaliland uu si xun u qaloocday loona baahanyahay in dib loo hagaajiyo oo la saxo (full reform) si tubti habooneyd loogu soo dhaco.

Haddiise Cirro iyo Jamaal ay hadhaw iska indho-tiri doonaan inay sharciga horkeenaan Aamina Waris, Baashe Cawil, guddoomiyeyaasha maxkamadda sare iyo ta gobolka Hargeysa, sadeexda taliye ee bilayska iskaga sareeya iyo wasiirka arimaha Gudaha Cali Warancadde, kuwaasoo dhamaantood loo haysto tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha maxay kolkaas noqonaysa faa’iidada dadka ugu jirta inay labadan murashax u codeeyaan si ay Siilaanyo u badalaan, miyaanay tusaale ahaan dadku xaq ugu laheyn Jamaal iyo Cirro-ba inay midkoodba goonidiisa u weydiiyaan waxa uu ka qaban doono malaayiinta doolar ee ummaddan lagaga lunsaday heshiisyada shidaal baadhista ee suuqa madow lagula saxeexday shirkadaha shisheeye ee madaxweyne Siilaanyo diiday in la soo mariyo baarlamanka dalka?.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here