Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Marka Aad Eegto Arimihiisa Waxaa Kuu Muuqaneysa Inaanu Uba Qalmin Una Bislayn Inuu Isu Sharaxo Jagada Madaxweynenimo Una Qalmin.
Waxaad Mooda In Cabdirahman Ciro Uu Ku Hawlan Yahay Sidii Umada Reer Somaliland Uu Isaga Hor Keeni Lahaa.
Waxaana Cadeeynaya Inu Qaranimada Somaliland Uu Duulaan Ku Yahay Oo Wax Lexejeclo Ahi Aanay Kaba Hayn Ayaa Ah, In Marka Hore Xisbiga Wadani Aanu Qabsan Ba Shirweynihii Lagu Dooran Lahaa Musharaxa Jagada Madaxweyne. Sida Sharcigana Ku Qeexan Xisbiyadu Waa In Sanad Ka Hor Intaan Doorashada La Gaadhin In Shirweynahooda Qabsadaan. Xisbiga Wadana Ma Qabsan Shirweynahoodii Hadana Gudoomiye Ciro Intaa Waxuu Ku Dacwoonaya Inaan Mudo Kordhin Aan La Samayn.
Marka Si Fayo Qabta Loo Eego Xisbiga Wadani Mudo Kordhintu Waa U Dan Oo Hadii Xukumadu Maanta Tidhaa June Ayaan Qabanaya Doorashada Xisbiga Wadani Bartaas Ayuu Ku Hadhaya Sababtoo Ah Maba Aay Qabsan Shirweynahoodii. Waxaa Bartaa Hogaanka Dalka Ku Loolami Kara Ucid Iyo Kulmiye Oo Kaliya, Sababtoo Ah Shurudihii Doorasho Ku Gali Lahayeen Maba Aay Buuxin Wadani Oo Bartaa “Disqualified” Ayaay Ku Noqonayaan Marka Luuqada Ciyaaraha Lagu Qeexo. Cabdirahman Ciro Waxaad Mooda Inuu Is Maqiiqayo Isagoon Kaba War Qabin Ka Khasaraaha Ku Sugani Inuu Isaga Yahay. Dhanka Xukumada Markaan Iyada Eegno Ee Xisbiga Kulmiye Ee Talada Haya Mar Walba Iyagu Wanaag Ayay Ka Shaqeeyeen Oo Sidii Wax U Suuro Galayaan Doorashana U Qabsoomayso Ayaa U Shaxeeyeen Guurtiduna Samo Uga Talisay. Sababtuna Waxaa Tahay Hadii Xukumadu Qas Wado Waxeey Ku Baaqi Lahayeen In June Doorashadu Qabsoonto Iyagoo Ku Xumeynaya Xisbiga Wadani Oo Dastuurku Aanu Siineynin Doorashada Ka Qayb Galaan Waayo Maba Qabsan Shirweynahoodii Mudadii Dastuurku Siiyay. Lakiin Hadii Xisbiga Talada Hayaa Uu Sidaa Yeelo Waxaa Ogyihiin In Cabdirahman Ciro Isagoo Og In Laga Gar Leeyahay Beeshooda Dabada Galinayo Oo Bartaas Qalalaase Ka Dhalanayo Dalkana Dan U Ahayn.
Xisbiga Wadani Was Diyaar U Ah Maba Jiraan Oo Xisbigoodii Kamaba Aay Shaqayn Ineey Buuxiyaan Shuridahoodi Khaas Ahaneed Ee Ka Kowda Yahay Shirweyne Iney Qabsataan Oo Dhaqalihii Doorashada Ku Gali Lahaayeen Diyaarsadaan Iyo Ajendahoodii Iyo Qorshaha Uga Meel Yaala Ololaha. Hadii Anagu Aanu Nahay Umada Reer Somaliland Xisbiga Talada Haya Ma Jeclin Siyasadiisa Lakiin Waxii Aan Dawga Ahayn Xisbiga Wadani Ku Taageri Asxaabta Mucaaridka. Cabdirahman Ciro Mid Baan Farayaa Midhaas Oo Ah Inaanu Is Maqiiqin Sababtoo Ah Janta Baydh Ayuu Ku Jira Hadii In Uun Uu Dubnada Ciyaari Jirey. Umada Xisbiga Wadani Tageertana Ineey Sidaas Wax U Fahmaan Oo Aan Lagu Guurin Ayaan Uga Digayaa Iskana Ilaliyaan Shax Xumida Gudoomiyaha Wadani Oo Aan Marnaba Tabaabushayn Oo Aan Toosin Oon Dhisina Xisbiga Inta Uu Ku Andacoonaayo Ma Ogoli Mudo Kordhinta, Waayo Isaga Xisbigiisa Ayaa Dan U Tahay Mudo Kordhin Oo U Saamaxaysaa In Shirweynahooda Qabsadaan Kuna Doortaan Cidii Musharax U Noqaneysa Xisbiga Wadani Oo Ilaa Maanta Cid U Sharaxan Aan Xataa Taageerayashiisu Aaney Kaba War Qabin.