Cismaan-hindi Oo Ku Cambaareeyey Xukuumadda Amarrada ay ku soo Rogto Hudheellada Waaweyn

0
53

Hargeysa (Hubaal)- Siyaasiga Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi), ayaa  ku eedeeyey  xukuumadda talada haysa inay  amarro sharci-darro  ah ku soo rogo hudheellada waaweyn ee magaalooyinka dalka, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, isagoo sheegay inay macaamiishooda kaga horjoogsanayaan inay ku qabsadaan  xaflado amma shirar ay dareenkooda ku cabbirayaan.

Mr. Hindi oo xog-warran siiyey Jamhuuriya iyo Radio Hillaac shalay, waxa uu cambaareeyey tallaabada xukuumaddu ciidanka ku dul-dhigtay hudheelka la yidhaa Hiddo-dhawr ee magaalada Hargeysa oo ay leedahay fannaanada Sahra Halgan, kaasoo la doonayey in lagu qabto xuska maalinta shuhadada SNM maalintii Jimcaha ee toddobaadkan.
cismaan-hindi1
“Runtii waa wax laga yaq-yaqsoodo in Sahra Halgan oo la garnayo taariikhda ay dalka iyo halgankii SNM ku lahayd,  qof kasta oo reer Somaliland oo xalaal ahna gudo iyo dibadda uu u sara kaco may ahayn maalintii la xidhi lahaa meheradeeda amma hudheelkeeda.

Waxa la ogyahay in Sahra Halgan qaranka Somaliland ka mudan tahay in billad sharaf la siiyo. Warqadda amarka ah ee Hudheelka Hiddo-dhawr loogu diiday xuska SNM waxay ahayd mid hudheellada oo dhan loo qaybiyey oo ilaa hudheelkayaga Crown ee magaalada Hargeysa ayaa loo keenay, warqaddaas oo nidaamka ay ku qornayd iyo luqadda lagu qorayba ahaayeen anshax-xumo, taasina ganacsatada hudheellada waxay ku ahayd meel-ka-dhac weyn oo macmiishooda lagu sameeyey.

Qofka muwaaddinka ah xaq ayuu u leeyahay inuu xuso halgankii ummadda ee SNM hormuudka ka ahayd, waanan cambaaraynayaa falkaas lagula kacay hudheellada, waxaanan ganacsatada hudheellada leeyahay ha gumoobina ee ku dhaqma geesinimo oo ha qaadanina amarrada noocaas ah ee lagula kacayo hudheellada magaalooyinka dalka. Waxa kaloo taasi meel-ka-dhac ku tahay xorriyadda iyo waxyaabaha aasaasiga ah ee ay muwaaddiniintu xaq u leeyihiin.”

Geesta kale, Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal ayaa mudanayaasha Golaha Wakiillada kula taliyey inay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka oo la filayo in la horgeeyo toddobaadka dambe, waxaannu yidhi; “Waxaan leeyahay Golaha Wakiillada, waad arkaysaan shaandhada madaxweynaha Somaliland ku sameeyey xubnihii la soo xulay ee Komishanka oo hal xubin ah ayuu dib u celiyey, waanu ku mahadsan yahay arrintaas, laakiin waxaan leeyahay Golaha Wakiillada waa inaad xilkiina gudataan oo aad shaandhada marisaan xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee la idiin soo gudbiyey, kana reebtaan cidda aad u aragtaan inay xisbi ku lug leeyihiin ama ka tirsan yihiinba. Xubnaha Komishanka ee la doonayo in la ansixiyo waa inay ka madaxbannaanaadaan xisbinimo, noqdaanna qaar dhexdhexaad ah.”

Mar la weydiiyey  sida uu u arko xaaladda dalku marayo xilligan, waxa uu ku andacooday in waddanka Somaliland taladiisu gacanta u gashay koox xukuumadda ka tiran oo uu ku sifeeyey qaar halis ku ah qarannimada, isla markaana ka soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

“Anigoo aad u ixtiraamaya Madaxweynaha Somaliland             Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), laakiin waxa suuqa la isla dhexmarayo; anigu mid uun baan ogahay inay jirto koox isbahaysatay oo ku shaqaynaysa siyaasad qarsoon oo dalkan khatar ku ah  oo aanay dadku fahansanayn oo ka soo horjeeda siyaasadda madaxweyanaha laftiisa, markaa halka dalku ka dawakhsan yahay waa halkaas, waana in madaxweynuhu ummadda hago, fiiro gaar ahna u yeesho dadka aan siyaasaddiisa ku shaqayn ee xilalka haya.

Madaxweynaha waxaan ku aqaan inuu yahay nin sharaf doonaya, laakiin waxa jira cayayaan badan oo is-bahaystay, kuna shaqeeya siyaasad qarsoon oo aan la garanayn, waxaanan filayaa in madaxweynuhu ku go’aan qaato kolba talada loo geeyo, markaa kuwaas aan sheegayo waa kuwo uu aaminsan yahayba,” ayuu yidhi Cismaan-hindi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here