Ciyaartii Galabta Ka Dhacday Boorama Oo Ay Ka Dhasheen Rabshado Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay

0
28

Gobolka Maroodijeex Oo Tartanka Ka Hadhay

Boorama(Hubaal) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena waa ku dhaawacmay  kadib markii ciyaartii galabta rabshado ka dhasheen. Rasaas boolisku ku kala dareerinayay boqolaal qof oo daawanayay ciyaarta ayaa sababta dhimashada iyo dhaawaca.

Ciyaartii galabta dhexmartay gobolada Awdal iyo Maroodijeex ayaa rabshado hadheeyeen, kuwaasi oo sababay in ciyaarta lagu kala dareero kadib markii Rikoodhe gobolka Awdal loo qabtay oo Maroodijeex lagu laadan lahaa buuq dhaliyay.

Ciyaartoyga Gobolka Maroodijeex ayaa la sheegay inay la dagaalameen garsoorka kadib markii uu u cuntami waayay Rikoodhaha oo ay u arkayeen mid aan caddaalad ku salaysnayn, maadaama ay ciyaarta ku hogaaminayeen Gool iyo Eber.

de3a5c487cd7a34a56e7846e90772f39_L

xidhiidhka ciyaaraha ayaa sheegay in Ciyaartoyga Maroodijeex u hogaansami waayeen Garsoorkii islamarkaana diideen in lagu laado Rikoodhihii, sida shabakada ramaas qortay, taasina ay noqonayso mid jabinaysa sharciga ciyaaraha.

Arrinta diidmada Rikoodhaha ayaa sababtay in taageerayaasha Awdal dhagax soo tuuraan, kadibna Booliska ayaa rasaas riday, waxaana sidaasi lagaga kala dareeray Ciyaarta labada Xul dhex maraysay.

Maamulka ciyaaraha ayaa guusha ciyaartaasi siiyay kooxda gobolka Awdal, waxaanay kooxdaasi ku baxday kaalinta koobaad iyadoo leh 7 dhibcood, halka gobolka Maroodijeex oo watay saddex dhibcood hadhay. Ciyaarta oo wakhtiga buuqu galay ilaa 20 mirir ka hadhsanaa ayaa Awdal loo xisaabiyay inay ku laadatay Maroodijeex.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here