Ciyaartooy Ka Hadlay Shaqo-ka-joojin Uu Taliyaha Ciidanka Asluubtu Ku Sameeyey Iyo Farriin Ay Madaxweynaha U Direen

0
61

“Annagu Ciyaartooy Baanu Nahay Ee Ciidan Haddaad Qoranayso U Sheeg Dawladda”

b

Hargeysa (Hubaal) Kooxda kubadda kollayga ee taliska Asluubta ayaa iska difaacay dhaliilo taliskoodu usoo jeediyay. kooxda Kubadda kollayga waxa ay eedo usoo jeediyeen taliyaha ciidanka Asluubta, sareeye guuto mr. Xudhuun, oo ay ku eedeeyeen inuu xidhiidhka ka goostay, isla markaana ugu hanjabay inuu kala dirayo.  “jananka ciidanka Asluubtu waxa uu si toos ah nooggu sheegay inaanu doonayn ciyaaro, ee uu doonayo ciidan, sidaasi darteedna uu nagu yidhi, ‘laba mid soo gala ama ciidan ayaan idinka dhigayaa ama iska taga oo suuqa gala” sidaasi waxa yidhi Axmed Maxamed (Baande), oo ah Horjoogaha kooxda kubadda kollayga ee ciidanka Asluubta oo shalay shir-jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay garoonka Timacadde, waxaanu intaasi ku daray “Annagu waxaanu nahay ciyaartooy, balse haddaad doonayso ciidan, u sheeg dawladda miisaaniyada ha laguugu daro.  Kooxdan waxa iyadoon mushaarka dawladda ku jirin, ku daray taliyihii ka horeeyay, waa Xiirane oo kooxdan ku lahaa door aad u firfircoon, wakhtigaas kooxdu waxay haysatay dhiirigelin ay ka heshay Taliyihii hore ee asluubta, Mr. Xiirane, taliyaha haatan haysta taliska asluubtu, isagoo ugu yimid koox kubadda Kollayga ah oo dhamaystiran oo heerka koowaad (A), ayuu noola yimid, iska dareera ama ciidan baan idin qorayaa. Waan ku celinayaa mar labaad iyo saddexaadba, waxyaabaha iyo hadalada uu jananku Asluubtu kooxda ugu hanjabo ee ah tartan laydiinma qabto ee maxaydun meeshan ka qabataan, waxan leeyahay Sideedaa sano ee xukuumadda Kulmiye, hal tartan ayaa la qabtay, taasina waa fadhiidnimada wasaaradda ciyaaraha iyo doorkeeda ciyaaraha, ee maaha mid aanu ka ciyaartooy ahaan leenahay, oo annagu tartan ciyaaro inaanu dalka ka qabano, lanooma igman. Wuu oghayay hawsha kooxdu u qabato, oo xataa jeelka Hargeysa ayaanu tabobarka ciyaarta gacanta ku siin jirnay maxaabiista, taasina waa waajibaadkayaga iyo shaqada kooxda in hawlaha ay xil saaran tahay gudato. Annagu waajibkayga waanu gudanaa, hadday tahay ciyaaraha tababarada ah, oo garoonkaa dayaca badani ka muuqdo ayaanu ku ciyaarnaa, qalabka ciyaartooyga iyo mid kaleba taliyuhu nama siiyo. Kooxda kubadda kollayga ee ciidanka asluubta oo ka dhisan caasimada Hargeysa ayaa sheegay inaanay wax mushaar ah qaadan muddo laba bilood, waxaanay farriinta cabashadooda u direen madaxweynaha “ma nihin dad lacagdoon ah, musharku waa xaqa qof kasta oo shaqaalaha qaranka kamid ahi qaato annaguna laba bilood iyo bishaa hada socota ayaanu mushaar la’aan nahay, iyadoo aanu horeba uga mid ahayn mushaarka dawladda. Madaxweynaha waxaanu ka codsnaynaa, bal inuu arrintayadan soo galo, oo si wacan ugu kuurgalo waxa annaga iyo taliyaha na dhexyaal, iyadoo ay kamid tahay waxyaabihii xisbiga Kulmiye buuggiisa ololaha ku jiray ee ay kamid ahayd, sare u qaadida ciyaaraha iyo shaqo abuurida dhalinyarada Somaliland.” Ayuu yidhi Axmed Maxamed (Baande), tabobaraha kooxda Kubadda Gacanta ee Ciidanka Asluubta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here