Tartankii Ciyaaraha Gobollada Somaliland Oo Kaabiga Inna Soo Saaray, Mooral-jabka Ciyaartoyda K/Kolleyga M/jeex + Guddidii Loo Diray Qabanqaabada Oo Barkinta Dheereystay=
Hargeysa (Hubaal) Iyadoo ay ka hadheen maalmo kooban ama wax ka yar Labaatan maalmood, wakhtiga loo qoondooyay inuu qabsoomo tartankii ciyaaraha Somaliland, oo ku beegan 27-ka bishan aynu ku jirno, ayaa waxa soo ifbaxaya habacsanaan iyo cagijiid ku habsaday hawlahii kubadda Koleyga Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan ciyaartoyda ku ciyaaraysa magaca gobolkan ee funaannada u xidhan xulka Maroodi-jeex, kuwaasi oo ay ka muuqato kala daadsanaan baahan iyo niyadjab ku yimid ciyaartoydii Kubadda Kolleyga, waxaanay taasi ka timid dhanka maamulka heer Gobol, oo aad uga gaabiyay dardargelinta iyo dhaqaajinta iyo sidoo ka shaqeysiinta hawlaha ciyaaraha kubadda Kolleyga dhinac kasta, haday tahay isudwaha xidhiidhka kubadda Koleyga ee gobolka, xldhibaannada golaha deegaanka, qurbejoogta kasoo jeeda gobolka oo dardar ku lahaan jiray, hawlaha ciyaaraha, gaar ahaan kubadda gacanta ee kolleyga, oo habayaraatee dhammaan intaasiba aanay ka muuqan doorkii looga baahnaa, iyagoo ciyartoyda kubadda Kolleyga ay rajo beel u muuqdaan, isla markaana ay noqdaana kuwo ay gobollada kale u gacan haadinayaan.
Maayirka caasimada Hargeysa oo horaantii toddobaadkii ina dhaafay xog waran Garoonka Kubadda Kolleyga ee Timacadde ku siiyay hor-joogaha/Macallinka ciyaartoyda xulka gobolka Maroodi-jeex Cabdikariin Ismaaciil Xariir (Karo) oo isagu sheegay inuu diyaar u yahay sidii caadada ahayd hawlaha ciyaartoyda xulka gobolka, ayaa guddi u saaray isudubarida iyo baahiyaha ciyaartoyda, gaar ahaan xulka Gobolka Maroodi-jeex ee Kubadda Kolleyga, waxaana ay ilaa haatan aan la garanayn meesha ay ku sugan yihiin iyo hawsha ay hayaan guddidaasi la magacaabay, iyadoo aanay jirin ilaa immika diyaargarow ka muuqda xulka kubadda Kolleyga ee gobolka Maroodijeex, oo ay ciyartooydiisii qarka u saaran yihiin inay gobollada kale u kala ciyaaraan, maadaama aanay haysan qalabkii iyo dhammaan hawlihii aasaaska u ahaa inay niyadsamid kaga qaybgalaan tartanka.
Karo Xariir oo ah tababaraha ama horjoogaha ciyaartoyda xulka Gobolka M/jeex ee kubadda Kolleyga ayaa sheegay inaanay haysan ka gobol ahaan wixii ay kaga qaybgali lahaayeen tartankaasi maalmuhu innaga xigaan, waxaanu xusay inay ciyaartoydu dhex joogaan garoon cidla ah, iyagoo ah kuwii kasoo jeeday gobolka ee magaciisa ku ciyaarayay, “sidaad ka war qabtaan waxaa bilaabmi doona tartankii gobolada Somaliland 27/10/2016 oo maalmo koobani innaga xigaan, waa nasiibdarro in maanta hal xildhibaana ha noqdee aanu jirin u dhaqdhaqaaya ciyaartoya K/koleyga ee gobolka M/jeex. Cidna uma maqna, ceelna uma qodna,” Sidaasi ayuu yidhi macallin Karo oo xarunta Hubaal nagu soo booqday, waxaanu intaasi ku daray, “caqabadihii sababta u ahaa in ay tartanka ka hadhaan xulka Kubadda Cagta ee Gobolka M/jeex oon kamid noqon doonin kooxaha tartanka isugu soo hadhay, ayaa maantana isla dhibaatadaasi waxay haysataa ciyaartoyda Kubadda Kolleyga ee gobolka u ciyaaraya, waxaana la odhan karaa Hargeysi xildhibaan, wasiir iyo qurbejoog ma laha, oo haddaa meeyay oo ciyaartoydii gobolka loogu la’yahay cid u dhaqaaqda.” Ayuu yidhi
Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoyda kubadda Kolleyga ee gobolka Maroodijeex ayaa tartankani ugu soo beegmayaa xili kala daadsanaan baahsani ka dhex jirto ciyaartoyda gobolka Maroodijeex, gaar ahaan Hargeysa oo iyadu ah wershada soo saarta ciyaartooyda Somaliland ugu magaca iyo sumcada weyn Kubadda Kolleyga, waxaana isweydiintu tahay waxa helay maamulkii gobolka Maroodi-jeex iyo kii Hargeysa ee Ciyaartooyda Kubadda Kolleygu oo runtii ay ka miisaaniyad badan yihiin gobollada kale, ee ay u hanqal taagayaan inay ku biiraan.