Ciyaaryahan Baasha Midig Uga Ciyaari Jiray Xulka Maroodi-jeex Oo Xalay Iska Casilay Funaannadii Difaaca Ee Uu Xidhan Jiray

0
64

“Aniga Wey Ii Cuntami Weyday Inaan Kasii Mid Ahaado Xulka Maroodi-jeex Ee Saaxiibadeyda Ay Funaannada Caasimadu Na Midaysay Waxaan Leeyahay….”

Boorama (Hubaal) – Maxamed Ismaaciil Xandulle (Xato) oo ka mid ahaa Ciyaaryahannada xulka gobolka Maroodi-jeex uga qayb-galaya tartanka gobollada Somaliland ayaa  Xalay  shaaciyey inuu ka baxay xulka gobolka. Ciyaaryahan Xato oo xulka Gobolka Maroodi-jeex uga Ciyaari jiray baasha Midig ee difaaca ama lambarka 2-aad, ayaa Qoraal uu soo gaadhsiiyey Warbaahinta Dhamays.com ku sheegay inuu xulka kubadda Cagta ee Gobolka Maroodi-jeex uga baxay sababo la xidhiidha xaalad uu sheegay in Macalinka uu xulka ka dhex wado. Qoraalka Ciyaaryahan Xato ayaa u qornaa sidan “Waxaan iska casilay ka mid ahaanshiyaha ciyaartooynimo ee xulka kubbada cagta gobalka Maroodi-jeex oo aan ka mid ahaa labadii sanno ee ugu dambeeyey oo aan ka mid ahaa ciyaaryahanadii 2013kii xulka gobalka Maroodi jeex kula guuleystay koobka goballada Somaliland. Waxaan halkan ku caddeynayaa inaan iska casilay ka mid ahaanshiyaha xulka kubbada cagta gobalka Maroodi jeex, sababta aan iskaga casilayna waa xaalad ka dhex taagan Gobalka oo uu ka wado Macalinku, markaa aniga way ii cuntami weyday inaan ka sii mid ahaado xulka gobolka” Mr. Xato wuxuu farriin u diray Ciyaaryahannada gobolka Maroodi-jeex Ciyaaryahan“Saaxiibadan wakhtiga fiican soo wada qaadanay ee aanu muddada  ka wada tirsanayn xulka gobalka Maroodi-jeex waxaan u rajaynayaa guul, Alle ha idinku guuleeyo Ciyaarta soo socota ee aad la kulmi doontaan xulka gobalka Awdal. Saaxiibadeyda ay na mideysay funaannada Caasimaddu waan ka xumahay inaan bixiyey funaannadii aynu ku mideysnayn muddada labada sano ah, laakiin qalbiga ayaan idin kala joogaa guul na waan idiin rajaynayaa” ayuu yidhi. Iscasilaadda Ciyaaryahanka ayaan ku soo beegmaysa xilli  shalay   xulka Gobolka Maroodi-jeex uu guul darro kala kulmay ciyaartii shalay dhex martay isaga iyo xulka Gobolka Hawd  oo kaga badiyey 3 iyo 1. Xulka Gobolka Maroodi-jeex ayaa ka mid ah xulalka tartanka Gobollada Somaliland ee socda kaga qayb-galaya garoonka Magaalada Borama.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here