Codbixin Taariikhi Ah Oo Ka Socoto Turkiga

0
47

codbixinta turkiga

Codbixin ayaa ka socoto dalka Turkiga oo loogu codeynayo afti tariikhi ah oo laga yaabo inay awooda badan gacanta u geliso madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Mr Erdogan waxa uu doonyaa in hanaanka dalkaasi lagu maamulo ee baarlamaaniga loo beddalo mid madaxtinnimo si la mid ah dalalka Mareykanka iyo Faranisiiska.

Taageerayaasha Erdogan waxay ku doodayaan in isbedalkaasi uu ka dhigi doono dalka mid horumar ku tallaabsado, halka kuwa ka soo horjeeda ay ku doodayaan in dalka ay u horseedi doonto inuu galo nidaam kaligii-talis ah.

Haddii aftidan ”Haa” loogu codeeyo waxay sidoo kale ka dhigantahay in madaxweyne Erdogan uu xilka sii hayn kara ilaa iyo 2029. Qiyaastii 55 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay codkooda ka dhiibtaan ilaa iyo 167,000 oo goobaha codbixinta ah.

Saadaashu waxay tilmaameeysaa inay natiijda codbixintu noqon karto mid aad isugu dhaw, waxaana la filayaa natiijada rasmiga ah inay caawa soo baxdo.

Maxaa ku qoran dastuurka cusub?

Dastuurka qabyada ah waxa uu dhigayaa in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka xigta la qaban doono 3 nofeember 2019. Madaxweynaha waxa uu dalka ka talin karaa laba xilo doorasho oo min shan sano ah.

  • Madaxweynaha ayaa si toos ah u soo magacaabi doono wasiirada iyo saraakiisha sarsare.
  • Wuxuu sidoo kale magacaabi karaa madaxweyne ku xigeena dhowr ah.
  • Waxaa meesha laga saari doonaa xilka ra’iisalwasaaraha oo uu hadda hayo Binali Yildirim.
  • Madaxweynaha wuxuu awood u lahaan doonaa inuu faragelin ku sameeyo waaxda caddaaladda oo uu Erdogan horay ugu eedeeyay inay u janjeeraan dhinaca wadaadka Fetxullahi Gulen.
  • Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqi karo xaalad deg deg ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here