Codbixiyuhu Waa Siyaasiga Maqla Weedhaha Dhiifta Badan Iyo Weedhaha Dheefta Leh

0
143

Hoggaamintu waa farshaxan-dhigaya waxa aynu doonayno in sida saxda ah ee ku haboon la innoogu qabto, mana’aha wax la taaban karo, balse, waa mid wax laga barrankaro, sidaa awgeed ayeynu  Dimuquraaddiyada uga soo qaadanay habka loogu tartamo siyaasadda awoodda talada dalka, dadkuna ay ku doortaan hoggaamiyihii ku hoggaamin lahaa nidaamka siyaasaddeed ee u dejisan dalkeena, iyadoo loo maraayo  awooddaa siyaasaddeed  iyo nidaamkaa siyaasadeed ee la doortay uu ku baddelo xukuumadda hab-doorasho oo xor iyo xalaal ah.

 

Waxa maanta Aduunka ka jira Madaxweyneyaal amma hoggaamiyayaal badan, balse aad bay u yar yihiin inta hoggaamiye ahi, inkastoo haddana lagu tilmaamo dhabbadii guusha ay ku gaadheen hoggaamiyeyaashii soo maray dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ay ahaayeen kuwo dadkooda u muujinayey qadarin, iyagoo tusayey halka loo socdo ee bar-tilmaameedku uu ahaa, xeel-dheeri, xullasho sare, oo aan waligood is dhiibin, korna u hadla,  taasi maaha macnaheedu, lamana odhan karo haddii uu soo jeediyo khudbad ay dadku wada jeclaystaan ammaba kawada qoslisa.

 

Laakiinse, waxa ay ahaayeen kuwo qeexayey maxsuulka oo aan sifeyneyn, isla markaana innoogaga tagayey dadkeena iyo dalkeena jamhuuriyadda Somaliland oo horumarsan, taasinay waxay noqotay dhaxalkii ay inoogaga tageen Hoggaamiyayaashii Toganaa ee soo maray mansabka Madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

May ahayn kuwo dadku ay ku raacayeen cunfi, qabiil, magac, balse waxa ay ahaayeen kuwo laga dheehan karayey inay lahaayeen, isku kalsooni, daacadnimo, run-sheegnimo, hawl-karnimo, indheer-garadnimo, waayo-arragnimo xirfaddeed, Xeeladdeed, Xikmaddeed, Aqoon, Dhaqan iyo Diin,  kuwaasoo, had iyo jeer ka fikiraayey inay inoo abuuraan rajooyinkii guusha aynu ku gaadhi lahayn, iyagoo hagaajinaya horumarkeena, waxay awood innoo siiyeen fursaddo xirfaddeed oo aynu ku soo hooyney hadafkii aynu hiigsanaynay ee aynu aaminsaneyn.

`

Waxa kale oo ay aaminsanaayeen haddii wax la qabto inay ka sii fiicnaan doonto wixii hore loo sii qabtay, diyaarna u ahaa inay haggaajiyaan war-biximaha had iyo goor ku soo noqnoqonayey, inta badan  dareensanaa oo maskaxda ku hayey muddadii koobneyd ee ay xilka hayeen marka ay dhamaato muddo-xilleedkoodaasina,  ixtiraamayey innay si xaq ah ugaga deggaan xilkii loo igmaday, iyagoo u  hoggaasanaa sharciga , isla markaana  abuurayey hoggaamiye wanaagsan.

 

Halka hoggaamiyayaasha tabana inta badan lagu tilmaamo innay maskaxdooda ku jirto,  sidii  ay dadka kale ugaga helli lahaayeen war-bixino dantooda  ah,  isla markaana, war-bixintaas gaarka u ahi war-celintoodu ugu war-wareegi lahayd dadka kale, amaba khiyaameynayey saaxiibaddood oo tuurayey, amaba ku abuurayey niyad jab iyo innay abuurayey dad raacsan oo kaliya.

 

Dhinaca kale, marka aynu eegno hab-dhaqanka awoodeed iyo dabeecada wanaagsan waxa ay  qayb ka tahay hoggaaminta wanaagsan, sababtoo ah, koritaanka dabeecaddeed ee aadamuhu waxay qaadataa muddo-dheer, inkastoo aan la garan Karin qiyaasta saxda ah ee ay hore-umarto, haddana, waxa lagu qiimeeyaa akhlaaqda iyo anshaxa guud ee uu qofku u muujiyo dadka kale, taasoo innagu abuurta innaynu sawiran karno waxa ku sugan maskaxaha murrashaxiinta u tartameysa hoggaaminta talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxay noqon karaan hab-dhaqanada awooda aadamaha ee aqoonteeda wax-barasho aadka u sareysaa kuwo awood leh ama daciif ah, kuwo wanaagsan amaba xun, laguna qiimeyn karo qofka leh hab-dhaqan awoodeed ee haddana ay dabeecadiisu wanaagsan tahay innuu yahay hoggaamiye wanaagsan oo dadkiisa iyo dalkiisaba ku hagi kara mustaqbalka waxay aaminsan yihiin, inkastoo tamarta dabeecadu ka timaado maskaxda, tamarta hab-dhaqankana ay ka timaado dareenka wanaagsan.

Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland waa ka qayb farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, wax qabad toosan iyo caqli wax-ku-ool ah, habka barshada, baadhida, tijaabinta, u  kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee ka jira dunida.

Inkastoo, haddana siyaasaadda loola jeedo dhinaca awooddaha iyo ujeeddada nolosha dadweynaha ama nidaamka  ujeeddada ururrada, taasoo tilmaamaysa  arragtida maamulka  xisbiyadda siyaasaddeed ay isku maamulaan ama ay ugu  hoggaasanaadaan siyaasadda maamulka dowladda,  marna, ay tahay   go’aan ama hadal ujeedo leh,  sida; siyaasadda dadka, ururrada,  kooxo, tiro qawaaniin ah oo lagu xisaabtamo amaba ay  tahay  mabda’a hanuuniya go’aannada.

Laakiinse, Fahamka ama marka loo isticmaalo  sifo ka duwan sifaha aynu kor ku soo sheegnay, sida maanta innooga muuqata qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda ee ku loolamaya tartanka doorashada madaxweynaha, waa Siyaasadd Taban, waana farshaxan illaaq ah, danno loo eekaysiiyey in lagu tartamaayo mabaadi iyo hoggaamin, taasoo loogaga faa’ideysanaayo danno gaar ah, danaha-caamka ah ee guud.

Waxa iyana sidoo kale barbar socda Siyaasadda Togan,   Siyaasiyiin  ama Wasiiro,  kuwaasoo  ah  siyaasiga haysta xafiiska guud ee  ugu mudan Qaran- dowladeed,  ama sarkaal loo qaabeeyey arrimaha muwaadiniinta loo carbiyey cilmiga siyaasadda, kuna  shaqeeya xirfadda maareynta arrimaha muwaadiniinta, kuwaasooy noqda  siyaasiyiin Togan oo ka fikira jiilka soo socda, ama Siyaasiyiin Taban oo had iyo goor ka fikira doorashadda soo socota oo kaliya, sida ay maanta innoogu muuqato wasiiro badan oo qaarkoodna shaqada laga caydhiyey sababa jiray awgeed, kuwo kale oo is casilayna ay ku biirayey xisbiyadda mucaaridka ah, oo haddana ku soo noqonayey xisbiga muxaafidka ee KULMIYE.

Xisbiyada  siyaasaddeed ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, waa kooxo nidaamsan oo isku duuban, kana mid ah dadweynaha, kuwaasoo leh fikir iyo ujeeddo isku mid ah oo qaabeysan, waxaanay u diyaarsan yihiin sidii murrashax ay dadweynuhu soo doorteen uu ugu guulaysan lahaa awooda talada dalka, inkastoo xisbiyadda qaarkood ay ku mashquulaan kooxo danno gaara leh oo dhaq-dhaqaajiya bulshada, isla-markaana  jeclaysta innay awoodda siyaasaddeed ee dalka kula wareegaan hab doorasho ama hab kacdoon, laakiinse, haddana xisbiyada qaarkood ma jeclaystaan kooxahahaasi danaha  gaarka ah leh,  sababtoo ah, waxay ka lumiyaan ujeedada illaalinta awoodda qaran iyo xakameynta geedi socodka siyaasadda guud ee u dajisan Dastuurka iyo habka sharcigu u siiyey qaab-dhismeedkooda shaqo.

 

Siyaasiyiinta xisbiyada qaarkood waxay u haystaan siyaasaddu in ay tahay farshaxan qabow oo lagaga urursanaayo tijaarta kharashka tar-tanka ollolaha, codkana  dadka saboolka ah, qaarna waxay  u haystaan hab lagu  day-dayo xanuunka, inkastoo ay helli ogyihiin ha jirto ama yaanay jirinbee.

 

Badweynta siyaasadda, dumuquraadiyadda, xisbiyadda,  gabi-dhaclaynta dadka xanbaarsan siyaasadda togan iyo ta taban,  Inkastoo aynaan ku soo koobi karin qormo keliya, waxaan maxsuulka qormadaydan ku iftiimin lahaa waa sida dadka qaar ay aaminsan yihiin, in siyaasigu  uu yahay  Dadka (cod-bixiyaha), sababtoo ah waa kuwo arka dhamaadka kaaha ka iffaya hogga, waanay u soo baxaan iyagoo  dooranaya Hoggaamiye Togan, murrashaxiinta saddexda xisbi siyaasaddeed ee ugu tartamaya innay hoggaamiyaan talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Inkastoo dadka qaarkoodna ay ku qiimeeyaan weedhihii dhiifta badnaa, halka, kuwo kalena weedhihii dheefta lahaa ee ka socday hareeraha xayn-daabka ay ku xeersanaayeen soona gaadhayey qaybta keydka xog-ururineed ee maskaxaha Dhageystayaasha, Daawadayaasha, Akhristayaasha iyo Qorayaasha, kuwaasoo kaga fal-celiya innay u noqdaan gaadh iyo gabood,  halka kuwo kalena ay u soo qaataan tusaale iyo masaal.

 

 

Maxamed Faarax Qoti

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here