Codka Beelaha La Hayb-sooco Oo Boorama Ka Bilaabay Olole Kor Loogu Qaadayo Wacyiga Siyaasaddeed Ee Haweenka

0
32

Boorama (Hubaal) – Aqoonisweydaarsi ku saabsan sidii kor loogu qaadi wacyiga siyaasadda iyo horumarinta beelaha la haybsooco ayaa Boorama looga furay xubno ka mid ah beelahaasi ee degaanka Boorama. Aqoonisweydaarsigan oo ay soo qabanqaabiyey ururka lagu magacaabo Codka haweenka la haybsooco ee Soomaaliland ee VOSOMWO ,ayaa waxa kasoo qaybgalay masuulyiinta Maamulka gobolka awdal ,hogaamiyedhaqameedyo iyo martiosharf kale.11846210_1047558878622847_393485848_n

Guddoomiyaha ururka codka haweenka la haybsooco ee Soomaaliland marwo Faaisa C/laahi oo furtaankii aqoonisweydaarsigan ka hadashay ayaa sheegtay in barnaamijkani yahay mid laga qabanqaabiyey gobolada kale ee dalka idsla markaana la doonayo sidii haweenka iyo beelaha la haybsooco wacyigooda dhinaca siyaasadda ,waxbarashada ,iyo danaha bulshadaasi kor loogusoo qaadi lahaa si ay ula jaanqaadaan horumarinta bulshada Soomaaliland .

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegtay in barnaamijkan ama aqooniweydaarsiyadan loo qabtay ama loo qabto dadka la haybsooco ee Soomaaliland ay durba wax badan ka tareen horumarinta beelahaasi ,iyadoo dhinaca kalena ku boorrisay xubnaha ka qaybgalay inay aqoonta ay halkan ka helaan u gudbiyaan inta an fursadda u helin ,qaataanna kaadhadhka codbixinta iyo kuwa aqoonsiga muwaadinkaba bulshada reer soomaalilandna wax la qayabsadaan .

Suldaan Ibraahim Dacar Yuusuf ,kana mid ah salaadinta gobolka awdal si gaar ahna u ah hogaamiye dhaqameedka beelaha la haybsooco ee gobolka ayaa isna munaasabadda ka sheegay sida uu ugu faraxsanyahay qabashada aqoonisweydaarsigan oo markii u horreysay xubno ka tirsan beeshu Boorama laga faaiidetstaan isagoo dhinaca kalena ka qaybgeleyaasha u sheegay inay muujiyaan midnimo ay kula tartami karaan beelaha kale ee dalka miisaanna ugu yeeshaan arrimaha siyaasadda dalka,golayaashana uga mid noqdaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here