Wasiirada wasaarada waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa tan iyo maalintii la magcaabay aan ku hakan xafiiska wasaarada waxbarshada ay ku leedahay waxayna inta badan ku mashquulsan tahay hawlo ka baxsan hawshii madaxweynuhu u igmaday Ee Ay Qarranka Somaliland U Haysay.
Marwo Samsam Cabdi Aadan ayay shaqadeedu noqotay marna inay shilinta ka gurto marwada koowaad ee dalka marwo aamina weris marna ay isku hawsho sidii ay u kala qayb qaybin lahayd iskagana hor keeni lahayd beeesha ay ka soo jeedo.
Hawlahaa ay marwo samsam ay ku hawlan tahayna waxay u isticmaashaa dakhligii wasaarada waxbarashada loogu talo galay ama ha ahaadaan lacago ka yimi mashaariicda ay ku deeeqaan hayadaha caalamiga ahi ku deeqaan wasaarada waxbarashada ama ha ahaatoo lacagtii wadada ceerigaabo ee lagu guray ardayda oo ay marwadu ku tagrifashay.
Imikana intan uu bilaabmay khilaafka kulmiye marwo samsam cagtaba ma soo galiso xafiiskeeda wasaarada waxbarashada waxayna habeen iyo maalin ku hawlan tahay sidii ay u mijo xaabin lahayd Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay isku beel ka soo jeedaan wallow ay isku day fara badan oo ay samaysay ku hungowdey.
Si kastaba ha ahaatee mudane madaxweyne mar hadii marwo samsam hawlahaa ku mashquulsan tahay oo ay dayacday wasaaradii aad u igmatay miyaanay haboonayn si aanay wasaarada waxbarshadu u baylihin in cid hanan karta aad u magacawdo marwo samsamna aad u magacawdo wasaarada xidhiidhka golayaasha ee bilaa xafiiska ah ileyn awelba bilaa xafiis ayay marwo samsam ku shaqaynaysaa madaxtooyadana ha u soo dhawaatee.
SICIID AXMED WACAYS
HARGAYSA
EMAIL:siciidwacays1@gmail.com