Cudur-daar iyo Raalli-gelin Ku Socota Labada Dawladood Ee Somaliland iyo Itoobiya

0
49

Bahda HUBAAL Media Network oo Soo saara Wargeyska Afka Soomaaliga ku Hadla Ee HUBAAL iyo Mataankiisa The Independent, waxa Ay Raalli-gelin ka bixinayaan War kusoo baxay Cadadkii Wargeyska HUBAAL ee Sabtidii Toddobaadkii Hore  ee bishu ahayd 19-ka September 2015 oo cinwaankiisu ahaa Shacabka Oo Shaki Ka Muujiyey 8-Badhasaab, 4-Taliye Ciidan iyo Wasiir-ku-xigeenno Hoggaaminaya Oo Ethiopia Looga Yeedhay, waxa aanu akhristayaasha iyo ciddii kale ee warkaas akhridayba ka raalli-gelinaynaa khalad madbici ah [Editorial Error] oo ku jiray warbixinta, oo nuxurkiisu si khaldan u dhigayo  shirka ay yeesheen labada dawladood ee walaalaha ah ee Somaliland iyo Itoobiya iyo natiijada kasoo baxay kulamo ay  labada dhinaca kaga arrinsadeen xoojinta arrimaha amniga iyo degennaanshaha xuduudka u dhexeeya labada wadan isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo lid ku ah xasilloonida mandaqadda. Sidaasi darteed waxaa ay qalinleyda Wargeyska HUBAAL ka raalli gelinaysaa cid kasta oo warkaas akhriday in wixii ka baxsan anshaxa iyo  maamuuska ay labada dawladood isku leeyihiin ka baxsan aanu ahayn kas balse uu si kama’ ah ugu soo baxay wargeyska.Raaligein-300x147

F.G: Mabaadii’da uu ku dhisan yahay Wargeyska HUBAAL waa u adeegida bulshada iyo raaligelinteeda, isaga oo ay mar kasta ka go’an tahay in wixii khaladaad ah ee qalinkoodu galo ay sixitaankiisa ka daba tagaan.

Xidhiidh Wacan

Mahadsanidiin Mar labaad iyo mar saddexaad

Bahda Tifaftirka Ee Wargeyska HUBAAL

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here