Qalinkii: Jamaal A. Muuse
“Gorfaynta Taxanaha Duug-reebka Tagtada. Cugashada Gurracan. Saameynta Seed iyo Suyuca Siyaasadda WADDANI“
Hordhac: Ugu horayn, waxan halkan ku gorfayn doonaa qormo taxane ah oo ka hadli doonta, Soyaalkii Hoggaaminta Ahmed Muumin Seed. Duug-reebka Siyaasadda Xisbiga Waddani, Male Xumada Musdanbeedka, Lunsanaanta Wiilasha Idman, Dhaawaca Cugashada Cirro, Kaalinta Cataabe Casabo Lagu Doortay ,Kaalinta Kooxda Boodo dheere, Xilka la ammaahiyay Xildhibaan: Abdiqaadir Jirde, Waraabe u taagga kursiga Xirsi, Xilkasta darada Xubnaha Golaha iyo Aayaha Dumay ee Xisbiga Waddani”. Runtii xisbiga WADDANI waa xisbi aan wali qaangaadhin oo aan khibrad xulasho iyo mid hoggaamineed midna laga filan karin. Waa xisbi la tartami doona xisbiyo qaangaadh ah oo khibrad iyo awood hoggaamineed leh. Waa xisbi aan tolan weelkii guusha, balse macmal toshay maro haylan oo hareeraha ka faydan oo an cawrada u qarin karin. waa xisbi musdanbeed reeraysan iyo wiilal idmani xadkii dimuqraadiyadda iyo hanaankii xisbinimada waydaarshay. Waa xisbi muddo kooban dalka ka unkay xigteysi siyaasadeed oo qabyaalad iyo qolonimo ba’as ku salaysan. Waa xisbi soo kordhiyay cashiiro siyaasadeed iyo casabo an la hubin sax-sanaanteeda, taasi oo uu maanta hirgaliyay. Hadaba, waxba yaanan ku sii fogaane, ku soo dhawaada taxane aad u falanqayn doona xaalada kakan ee sur-suurta oodan ka gashay xisbiga waddani iyo duug-reebka siyaasadeed ee riqiiska ah ee mudada kooban ku dhacay. Sooyaalkii Seed iyo saymo kale, Waana sidatan:
Sooyaalkii Seed:
- An hadalka ku bilaabo eh, mudane Ahmed Muumin Seed, wuxu ahaa amma yahay nin ku suntan wajiga mucaaradnimada ee xisbiga Waddani, wuxuu ahaa ninkii ugu dedaalka badna ee ka hawlgalay dhammaan deegaamadda Somaliland, si ururkii Waddani uu u noqdo xisbi qaran oo hanaanka dawladnimo, iyo midnimada qaranka wax ka bedeli kara.
- Wuxuu ku guulaystay in uu ururkii Waddani noqdo Xisbi siyaasadeed ka mid ah axsaabta Sadexda ah ee Somaliland maanta ka jira. Kaasi oo leh labo waji oo kala ah mid muxaafid ah oo Guddomiye Cirro ku suntan yahay iyo mid mucaarid ah oo Seed ku suntanaa.
- Ahmed Muumin Seed, waa guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga taagta daran ee Waddani, waana nin dalka oo dhan miisaan wayn oo siyaasadeed ku leh, guuldaradiisuna waa guuldarada xisbiga Waddani. Waa nin soo dhisay xisbiga iyo oo guul lama filaan ah u soo hooyay dhiisha maanta Abdirahman Cirro casabo dhaamiyay, waa nin xoog iyo xoolaba galiyay xisbiga, waa nin kicin kara duufaano siyaasadeed oo xisbiga guuldaro bada.
- Ahmed Muumin Seed, waa nin xisbiga Waddani soo galiyay taageerayaan malaayiin dollar xisbiga ugu deeqay. Waa nin taageerayaashiisu ay 50% bixiyeen lacagtii diiwangalinta ururada siyaasadda dalka. Waa nin haysta dal iyo dad xoog iyo xoolaba isku duuban oo halka ay u kacaan ganbiyi kara. Ahmed Muumin Seed, oo maanta la hadlay laanta afka Somaliga ee BBC-da in laga yaabo inay isaga iyo garabkiisu dacwad u gudbiyaan Maxkamada sare/dastuuriga ah, islamarkaana uu la tashan doono taageerayaashiisu aadka ugu cudduda badan guud ahaan gobalka Awdal, gaar ahaana Caasimada Borama.
- Sidaa darteed guuldarada Ahmed Muumin Seed iyo darayrinta taageerayaashiisu, waa guuldarada xisbiga, guuldarada Cirro iyo burburka xisbiga Waddani. Taasi oo si wayn looga dhugan doono taariikhda timaaddada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan gobalka Awdal oo ah Florida maanta lagu kala calaf qaadi doono, taasi oo sababaysa in isbaahaysiga siyaasadda dalku hada waji cusub la soo baxdo oo shimbir caanoodu ka jeesato dhanka Xisbiga.
Kaalintii Seed ee WADDANI:
waxaan mar kale si mug & miisaan leh ugu lafo-guri doona diirada foggaan aragga iyo aragtida hufan, Sooyaalkii siyaasadeed iyo Kaalinta xoogan ee hoggaamiyaha dhalinyaradda ah ee ka soo jeeda gobalka uu ku leeyahay xisbiga Waddani. Oo aad hadda moodo mid u badheedhay guuldaro siyaasadeed, mar haddii ay si fudud oo aan ka kabasho laheyn u jabiyeen laf-dhabarta iyo lafaha dhaadheer ee laacibkii “Difaac-yahan & weerar yahan” xisbiga iyo shacabkii halganka.
Balse akhriste, an qalinka ku hakiyo in yar oo araar, waano, iftiimin iyo caddeyn ah. “Ugu horayn waxa an si guud ula hadlaya dhammaan akhristeyaasha sharfan ee qiimaha wayn iga muddan. Aniga oo leh ujeedka gundhiga taxanuhu maaha mid salka ku haya hinaase, kursi doon, cay, xumaan iyo aflagaado ee waa falanqaynta ceeryaamo gudhan iyo daahfurka dabinada siyaasadeed ee daahanta iyo dedanta ahaa ee hadda dul hogganaya xisbiga Waddani ee maleeggeeda milayga dheer lagu qarinayay dhoolo-caddeyn qosol iyo jigraarka jalaafada Cirro u aasay ee shalay lagu shirqoolay halyaygii u soo halgamay xisbiga Waddani, waa Muj: Axmed Muumin Seed. Sidaa darteed, haddii aad qoraalkayga dhibsato fadlan igu buri qormo caqli iyo cilmi ku dhisan. Ugu danbeyntii ka masuugi maayo in an hambalyo u diro musharaxiinta madaxwaynaha & madaxwayne ku xigeenka xisbiga Waddani ee shalay huwanta aan la kala hufini u cimaamaday u loolanka kaltanka sadexaad ee doorashada madaxtooyadda Somaliland sanadka 2017-ka. Si gooniya waxaan hambalyo ugu diraya aqoonyahan Amb/Dr. Mohamed Ali Aw Abdi”.
Hadii an ku noqdo qodobkii inoo socday iyo halkii ay sheekadu inoo maraysay oo aheyd falanqaynta sooyaalkii siyaasadeed iyo Kaalintii hoggaamiye Axmed Muumin Seed. Aan aad carrabka ugu adkeeyo in uu ahaana walina yahay laacibka gool-dhalinta ee xisbiga waddani. Haseyeeshe, Mudane Axmed Seed ma ahayn/maaha siyaasi dhinac kasta laacib ka ahaa/ah, marka su’aasha lagu koobo kaliya sooyaalkii hoggaamineed iyo haggidii xisbiga Waddani. Tusaale ahaan:
- Kama dhisan xisbigga guddihiisa cuddud aqoonyahan iyo dad karti siyaasadeed leh oo fahmi kara fogaan aragga falagga siyaasadda, daalacan kara daahanta iyo dedanta siyaasadda ee daaha dabo-taal, oo toosh wayn ku iftiimiya jigraarka iyo jalaafada siyaasadeed ee saaxiibkii Cirro qosolka ugu qariyay. Waayo waxaa caddeyn u ah ka qaybgalkii shirkii isaga lagu shirqoolay shalay. Inkasta oo uu ka kacay madasha markii la xaadiriyay magaca aqoonyahan Amb/Dr. Mohamed Ali Aw Abdi, hadana waxa an is leeyahay waxa ka habooneyd in aanu ka qaybgalin shirka, maaddaama xubno tiro badan oo taageerayaashisa ah loo diiday ka qaybgalka shirka.
- Runtii, waxa la yaab aheyd oo an isaga iyo dhawayaashiisa siyaasadda ku diidanahay oo kula yaabay fahan xumada kaga dhacday daacadnimada Cirro, murug abuurka kooxda cusub ee Xirsi Boodo dheere, Xulashada gurracan ee Musdanbeedka xisbiga iyo fajida Wiilasha idman ee madasha soo camiray.
- Dad beerashadu muhiimad wayn ayay ku leeyahay guusha siyaasadda iyo guud ahaan guul oo dhan, waayo balse ila dhugo xigmada suugaanta Soomaaliyeed ee aheyd “Markaad geel dhaqatid baa… Gaawaha loo soo cushaa”…..La soco qaybo kale oo xiiso & xamaasad huwan.
La Soco Qaybo Kale.
By: Jamal A. Muse
dankaabo@hotmail.co.uk/jamalabdiya@gmail.com/hirdandheer@gmail.com
Hargeisa Somaliland.