Warbixin Farta Ku Fiiqaysa Shakhsiyadda Siyaasaddeed Ee Xil. Saleebaan Yuusuf Cali Koorre Iyo Sooyaalkiisa Taariikheed Ee Uu Somaliland Ku Leeyahay
Hargeysa (Hubaal) – Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koorre waa xildhibaan deegaan ahaan ka soo jeeda gobollada Sool, Sanaag Buuhoodle, Iyo Xaysimo. Waa xildhibaan haatan ka tirsan golaha baarlamaanka Somaliland. Xildhibaan Saleebaan Cali Koorre waxa uu saaxada siyaasada Somaliland ka soo dhex muuqday mudo dheer oo uu ka mid ahaa jilayaashii siyaasada ee aadka u firfircoona, waxa uu shaqooyin kala duwan ka soo qabtay dalka isagoo xukuumadii madaxwayne cigaal ka mid ahaa siyaasiyiintii da’da yarayd ee ruugcadaagi madaxwayne cigaal uu golahiisi wasiirrada ka mid ahaa. sooyaalka taariikhda siyaasada saleebaan cali koore waxa aad loogu xusuusan karaa xilligii aftidii dastuurka oo uu ahaa shaqsiyaadkii hirgalinta barnaamujkaa aftida dastuurka qaranka dhidibada adag u ahaa ee uga hawlgalay sidii ugu qumanayd oo shaqo wadaagii madaxwayne cigaal ee xiligaa ay lahaayeen ay noqonaysa mid ku xardhan bogoga taariikhda somaliland. haatan oo uu yahay Xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka Somaliland Md, saleebaan cali koore waxa in badan bulshadu ku sifaysaa inuu hormood ka yahay xilibaanada sida dhabta ah uga hadla ama uga dooda aragtidiisa shaqsiga ah ee ay ka madhan tahay qof jeclaysi iyo dhameelka ay inta badan xilibaanada baarlamaanku caanka ku yihiin oo waxa shaashadaha bulshadu ka aragtaa halka uu iska taago mooshinada badiyaa muda hagardaamaynaya taas oo la odhan karo waxa uu ku sifoobaya qof dantiisa ka door bida ta umada uu xilka u hayo. Xildhibaan saleebaan cali koore maanta in badan oo dadka sida togan u fikira ahi waxa ay is waydiiyaan ama jeclaysigooda ka mida oo ay ku tamaniyaan inuu yahay kii ku haboona hogaaminta golaha wakiilada Somaliland iyagooo u sababeynaya dhawr arimood oo ay ka mid tahay deegaanada uu kka soo jeedo oo sadkii iyo saaamigii ay ku lahaayeen Somaliland uuna dhamaystirnayn waa ta labaade waxa uu noqonayaa shaqsi hogaamintiisa ay leedahay go’aan qaadasho iyo hal-adayg uu kaga duwan yahay in badan ama hebelo haatan hanqalka u taagaya kasbashada kursigaa hogaaminta golewaynaha baarlamaanka, arimahaas dhawrka ah ee uu Xildhibaan saleebaan cali koore kulansaday waxa ay u sahli kartaa inuu noqdo gudoomiyaha baarlamaanka oo maanta cid kaga mudan aanay jirin taasina ay noqon doonto hadii ay sidaa u dhacdo mid shacbiga iyo golaha baarlamaankuba mahadin doonan.
Cugashada Mas’uul Leh Astaamo Hoggaamineed Oo Gudbinaya Farriimo Siyaasaddeed
Cugashada hogaamiye fiican lagu dooran karo waxa kaw ka ah inuu leeyahay laba qodob oo aasaasi u ah hogaanka wanaagsan kuwaas oo kala ah go’aan qaadasho uu ku maarayn karo duruufo kasto siyaasadeed oo hogaankiisa soo wajaha iyo ta labaad oo ah Hal-adayg uu kaga gudbi karo gufaacooyinka iyo hagardaamaynta hogaamintiisa taas oo u sahlaysa inuu hago cida wal ee uu hogaanshaha u yahay. Wakhtigan xaadirka ah oo sida aynu la wada socono uu jiro hirdan adag oo loogu loolamayo kursiga hogaaminta golaha baarlamaanka isla markaana laga dhex dareemayo goobaha siyaasada lagu falanqeeyo in laba xilibaan oo isku hayb ah kana soo wada jeeda deegaanka gobolka sool uu tartan adagi ku dhex mari doono labadaa xilibaan oo kale ah gudoomiye ku xigeenka golahaas mudane baashe iyo xilibaan saleebaan yusuf cali koore kuwaas oo marka gudoomiye ciro dhawaan ka dego xilkaas iyagu u tartami doona ayaa dadka odorasa siyaasada somaliland ay intooda badani raacsan yihiin xilibaan saleebaan iyagoo taageerada ay u muujinayaan ku sababaynaya in marka u horaysa uu yahay shaqsi soo celin kara karaamadii hogaamineed ee galhaaasi oo iyadu suushay waa ta labaade waa shaqsi khibrad maamul iyo mid hogaamineed iyo hawlkarnimo ba leh. Halka mudane baashe oo isagu haatan ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ilaa iyo 2005ti na ahaa shirgudoonka golahaa ilaa yoomana haada uu yahay ba hogaaanka baarlaamka faashilka badani ku dhacay ee dalka iyo dadka hadimo mooye aan wax tar u lahayn lana rabo hogaan soo celiya haybadii hogaamineed ee aqalkaa sharci dajinta isla markaana baashe yahay ba kuwa umadu ka qaylinayso.