Waxaa Curiyey: Cabdikhaalaq Maxamed (Koos), Waxaana Uu Soo Baxay Maanta Oo Bishu Tahay 01. Nov. 2015
Aduun yada cidlay yuurur taa Cidhib la,an teede
Cilmi falag warkuu sheegayana Caawa laga yaabye
Cimiladu siday tahay iyo Caad kan lagu meershay
Cadho eebaheen baa jirtoo Laga cabsoodaaye
Cirkaa hooray, ceer yaan ta timi Ehel kan caarcaaray
Cadceedaa madoobatay iyo dayaxan caal waayay
Calaamada haddeer muuqda waa lagu cibro qaataaye
Cabsi baabu leeyahay dalkii Calan kii taagnaaye
Cirooliyo caruur qaylo dhaan Caawa laga sheegye
Cizi iyo wanaagii ragbaa Caafimaad dilaye
Cudud iyo itaal baa dadkii lagu cabsiiyaaye
Curfigiyo nidaam kii la tuur Ciil ka loo qabaye
Cudud bay ku faanaan kuwii Ceel kan loo diraye
Calaf kii ragbaa cunau miskeen Calaf kii maaitide
Ceel bay kusii foorar taa haddaan caadil noo kicine
caqli iyo aqoon bay rabaan Inay u ciid mane
Cuqubada kuwii gaystaa baa loo cumaamaday
Ciil baa ku gaamuray dad kii Ciida herer yiile
Caziizoow alahoow mar kale Camal ka noo toosi

Ma calaacal baan tala aduun caawa ku adkaystay?
caqligiyo aqoon tii miyaan caad ku xidhay manta ?
Curfigiyo wanaagii miyaa caga juglayn keenay ?
Calool yawga maatidii, miyaa lagu cashiimeeyay ?
Kuway ciirsan laayeen miyaan Ciil ku koriyeena ?
Ma carawday garashadi sii Cawl u kala yaacday ?
Ciil tire miyaan wali la helin Caarif talo keena ?
Cakuyeey dadgoow maxaa Garashadii ciilay ?
Haday naan cayn kay tihiyo Doorin camal keena !
Hadday naan ciladaha muuqda iyo Cudur qabiil diidin !
Cilmigiyo aqoon tii haddan Maan ta lagu ciirsan !
Curdin kii inoo kacay haddaan Garasho ceel gaynin !
Cakuyeey hadmay ciidayadu Noqon mid ciil beesha
Raggii loo cumaamaday kuwaan Ciida ku haleeyay
Caara yuub miyay igu rideen Cadawga loo haydshay
Ciin hadday daaqdayoo Cudur dawayn wayday
Cakuyoow intaan rabo bel Caadil baan sugiye
Haday kugu cuslaatooy,garan waydo cabashada
codka aan ku sheegee,Ila eeg cibaarada
Waxaan doonayaa curad,Iga qaada caad koo
Caruur iyo ciroolaba,Ku casuuma garashoo
cuud kaa ino dhalay,Caanihiisa qaybshoo
wixii carada yaalaba,Ka ciil tira agoomaha
Haday kugu cuslaatooy,garan wayday cabashada
Codka aan sheegee,Waxaan doonayaa curad
Ceelal yada mid noo gala,Cirr ka roob haduu gabo
Ciideena hodan ka ,Cudud diisaa saaroo Noo beera
canab koo,Masaakiin ta ciil tira Calaf kaygu lumay
waa kii soo celin lahaayoo Calam k aba dhamaan tii , i-ctiraaf ka heli laa
Hadday kugu cuslaadyoo, garanwaydo cabashada
Codka aan ku sheegee, Ila eeg cibaarada
Waxaan doonatyaa curad, Ka cabsooda rabiyoo
Caadil kii na uumiyo, Diinteena caan ka ah
Camal koodu yahayoo, Ehel wada ciseeyoo
Cindigooda yahay magac, Inay soo ceshaan sharaf
Dimuqraadi caan baxay, ku hogaansha calan koo
Cuqaashaa hirdamasiyo, naga bixiya caal koo
Ciil kaa qabiil nimo, Cuduradan dawayn
laa hadday kugu cuslaatoo, garan wayday cabashada
Codka aan ku sheegee , Ila eeg cibraada
Waxaan doonayaa curad, Caqligii wax tari laa
caafimaad nin keenoo, Cusbitaal sameeyoo
Curyaan kaa horteenana , Curuuqdiisa kala dhiman
Cuduradan na daashada, Caamiyaha dawayn laa
Danyar caawin laayee, caabuqaba bogsiin laa
Dhawrilaa cashuur tiyo, danta guud cisiyn laa
Dhaqan celis , mid caasiya, ciyaal kii mid dayrshiyo
Raggi caydhshay maatida, Haddii loo cumaamado
Cudur aan dawao lahan Saw caabuq may noqon
Haday kugu cuslaatooy garan wayday cabashada
Waxaan doonayaa curad, garaad caafimaad qaba
cadaaladda la jaaroo, lagu canqariyay
diin too Sidii cumer ki faaruuq , waligii cabsoonayn
Cidhif yada magaalada, Kolba cayn ka ay tahay
cishaha hebeen kana Soo maray cauuraha Ilaahay ciseeyoo,
nagu dhaca cadaalada Ciirsadaan agoon too, La caweeyay maatida