Waxa ay Muujiyeen Sida ay u Diiddan Yihiin Wasiir Xuseen-ka Macdanta Oo Maamul-xumadiisii Ugu Daray Heeso Guul-wadayn ah Oo Uu Martidii Ku Dhego Barjeeyey
Burco:(Hubaal)-Cuqaal, waxgarad iyo odayaal lagu soo casuumay inay kasoo qayb galaan munaasibadii shalay lagu daahfuraayay sahaminta shidaalka oo uu madaxweynuhuna goob joog ka ahaa, ayaa gabi ahaanba madasha ka dareeray, iyaga oo muujiyey sida ay uga soo horjeedaan hannaanka uu wasiir macdantu u maamulo sahaminta shidaal ee goobo badan oo dalka ka socoto.
Cuqashani oo muujiyey sida ay u taageersan yihiin horumarka kala duwan ee uu madaxweynuhu hormoodka ka yahay, ayaa saluugga ay wasiirka macdanta ka muujinayeen ka sokow si weyn uga biyo diiday heeso uu wasiirkaasi horseed ka ahaa oo arrimaha shidaalka ka warramayey, kuwaas oo lagu dhego barjeeyey martidii madasha joogtay, waxana ay sheegeen inay maatida harraadu laynayaa u baahan tahay in loo gurmado oo aan la joogin maalintii muusig iyo heeso lagu raaxaysan lahaa.
odayashani iyo waxgaradkani ku sugnaa madasha ayaa ka mid ahayn odayaashii mudooyinkii udanbeyay ka qaybgeaayey habka loo wado sahaminta shidaalka, kana codsaday madaxwaynaha inuu wax ka qabto wasiirka oo ay ku eedeyeen inuu baal maray habka iyo qorshaha hormarineed ee ay xukumadu dhigtay.
si kastaba ahaatee waxa dul hoganayaa wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland fashil badan oo ku saabsan sahaminta shidaalka oo sababtay inay deeganada qarkood diidaan sahaminta shidaalka, waxana taas dheer inaanu diyaar u ahayn inuu daawo u raadiyo saluugga isa soo taraya ee dalka ka jira, waxana uu iska indho tirayaa dadka aan ku qanacsanayn sida uu wax u wado.