CURYAAMINTA DHAQAALE & BURBURINTA ILAHA GANACSI EE KU AADAN SOOHDIMAHA XUDUUDAHA & DEEGAAMADA BEELAHA KA SOO JEEDA SOMALILAND KULA JIRTO DAWLADA FEDERALKA KILILKA SHANAAD EE ETHIOPIA

0
35

WAXAA INDHAWAYD AAD LOO DAREEMAY IN DAYACNAAN BADAN KA JIRTO OO HALIS BADANI DHAMI DEEGAAMADII AAY DEGENAYEEN BEELAHA KA SOO JEEDA SOMALILAND OO RUN AHAANTII AAD LOOGA GUUREY KADIB INTII XORNIMADA LALA SOO NOQDAY. ARINTAASI OO KEENTEY IN HOOS U DHAC BADAN KU YIMI KOBOCII DEGAAMADAAS IYO DHAQAALAHOODIIBA. WAXAA IYANA DHACDAY OO HADA TAAGAN IN DEEGAMADAAS QARKA U SAARAN YIHIIN IN AAY U FARAGALAAN QABAA ILO KALE TAASINA SABAB U TAHAY IN DADKII DEEGANKA LAHAA INAY ILAASHADAAN SOOHDIMAHOODU AAY DHAMI HARGEYSA U WADA KICITAMEEN IYAGOON EEGIN IN HALKAA BARAKAC KAGA IMANAAYO. XUKUMADA IYO GUURTIDUNA ARINMAHAAS KA MASHQUULEEN UMADANA AAN KU BARAARUJIN IN AAY DAL AHAAN IYO DAD AHAANBA KHATAR KU TAHAY DALKA IYO DADKABA MARKA LOO EEGO “STRATEGICALLY” AHAYDNA IN AAD AAY UGU FIIRO YEESHAAN. WAXAA BEELAHA SOMALILAND KASOO JEEDA IYAGUNA DHANKOODA AAD UGA GAABSHEEN INEEY LA TALAABSADAAN DAWLADA FEDERALKA EE ETHIOPIA IYAGOON MARNABA AAN DOONAN SAAMIGII AAY KU LAHAYEEN OO AHAYD IN AAY KA MID NOQDAAN CIIDANKA IYO MAAMULKA
DEGAAMADOODA OO AAY IYAGU YEESHAAN.
IYADOO INTAAS AAY DHEERTAHAY DHAQAALE KABKA AAY KU LEEYIHIIN XUKUMADA ETHIOPIA OO AH BAAHIYAHA AASAASIGA AH IN SCHOOLS, WADOOYIN, XARUUMO CAAFIMAAD, DHAAMAM, BERAAKO, CEELAL, WADOOYIN IYO BILICDA MAGAALADOO KOR LOOGU QAADO INEEY HELAAN. WAXAAS OO ARIMOOD MIDNA KUMA AAY DEDAALIN DADKII DEEGAAMADAAS DEGENAA IYAGOON EEGIN MUSTAQBALKA DHIBTA AAY U LEEDAHAY OON KABA FIKIRIN SIDII DEGAAN KOODU HORE UGU SII AMBAQAADI LAHAA. WAXAAY ARIMAHAASI DHALIYEEN IN MAANTA MAAMULKA KILILKA SHANAAD KU HAMIYO SIDII DADKIISU U HELI LAHAYEEN DHAQAALE IYO SUUQ GAAR IYAGU U LEYIHIIN IYADOO MADAXWEYNAHA KILILKA SHANAAD ULA YIMI XUKUMADA SOMALILAND AGENDA ARIMAHAAS KHUSEEYA. HADABA AKHRISTAYAAL BAL MAXAY AHAYEEN ARIMAHAAS? WAXAAY U DHIGNAYEEN SIDAN:
IN AANAY WAJAALE WAX BADEECAD AH KA IIBSAN. IN AAY GANACSATADA KILILKU IYAGU YEESHAN LANA SOO DEGAAN RAASHIN TOOS DUBAI UGA DALBADAAN KASOO AANAY BADEECADAHAASI LAHAYN CALAAMADAHA INDHODEERO, OOMAAR, MAAWEEL ETC… LAKIIN GANACSATADA KILILKA MAGACOODU KU DHEEHNAADO SIDAASNA TOOS WAXOODU BERBERA TO KILILKA SHANAAD AHAADO TRANSIT HALKA BADEECADAHOODA WAJAALE KALE WAREEGI JIREEN WAXII RAASHIN AMA BADEECADO KALE AHAA ISTOODHADII TIJAARTA SOMALILAND. ARIMAHANI WAXAY KEENEEN IN XUKUMADA SOMALILAND KALA TASHATO UNA SOO BANDHIGAAN GANACSATADII REER WAJAALE KADIB MARKII ASHKHAAS DANO GAAR AH WATAA OO XUKUMADA KA MID AHAA MARKII AAY ULA TEGEEN MADAXWEYNAHA SOMALILAND. MADAXWEYNE SIILAANYO MARKUU ARKAY WAXUU DIREY WAFTI U DHUUR GALA ARINTANI WAXAY SAAMAAYN IYO KHASAARE KEENI KARTO. ARINTII AYAA LOO BANDHIGAY GANACSATADII WAJAALE OO WASIIRO BADANI KASOO QAYB GALEEN. GANACSATADII REER WAJAALE AYAA ARINTII AAD UGA QAYLISAY WASIIRADIINA HADALO KULUL OO DIIQAD GALIYAA KALA KULMEEN, MARKII GANACSATADU KU TIDHI MA DANTA GANACSATADA REER WAJAALE EE SOMALILAND BAAD KA SHAQAYSAAN MISE DANTA UMADA KILILKA SHANAAD DEGTA. MA ANAGAA XIL NAGAKIIN SARAN YAHAY OO LEH IN XUKUMADU XANAANO BADAN NOO YEELATO IYO DABACSANAAN MISE UMADA KILILKA SHANAAD. HADII AANU NAHAY GANACSATADA REER WAJAALE EE SOMALILAND ARINTAN AAD U SOCOTAAN EE MADAXWEYNAHA SOMALILAND LA HOR DHIGAY ANAGA DHABAR JAB BAY NAGU TAHAY WAX AANU YEELEYNANA MAAHA. WAFTIGIINA SIDAA BUU KU AMBO BAXAY.
UMADA IYO XUKUMADABA WAXAAN LEEYAHAY HADALKAYGANA KUSOO GUNAANADAYAA IN INTII INAGU ISKU MAQNAYN EE NINBA NIN XAASIDAAYAY IN DEEGAAMADENII MAANTA QARKA U SAARAN YIHIIN IN LA GO’DOOMIYO DAGAAL CULUS OO DAQAALE XAYUUBIN AHNA LAGULA JIRO. HADABA WAXAAN LEEYAHAY SHAKHSIYAADKA XUKUMADA KU JIRA EE DIYAARKA U AH IN UMADOODA DHAQAALE CURYAAMIYAAN IYAGOO DHAAFSANAYA DANO YAR OON LA BAAXAD AHAYN INTA DADKOODA KA LUMAYSA IN MADAXWEYNUHU KA TASHADO WAAYO UMADA AYAY KA HOR KEENAYAAN XUKUMADA DANA UMA AHA UMADA IN DHIIGA LAGA JAQO MADAXWEYNAHANA AAN WAX YAABAHA QAAR LOOLA TAGIN.

ADEN DEEQ

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here