Cusbitaalka Boorama Iyo Budhcada ku Habsatay

0
41

Xarunta Gobolka Awdal ee Borama waxa ay ahaan jirtay meelaha lagu soo hirto xaga caafimaadka,   maantana kama masuugna oo waxa ay kamid tahay meelaha loogu safro caafimaadka. Waxa ku yaala Isbitaalada ugu waawayn dalka qaar kamid ah sida Alxayaad iyo Alaale Hospital iyo Isbitaalka isagu xanuunsaya ee u baahan in la daaweeyo ee Borama Hospital wuxuu ku sifoobaa murtidii ahayd “Daawo bukootay “ waxa ay ku jirtay ruwaadihii abwaankii Xasan Sh. Mumin

Isbitalka Borama waxa ka shaqeeya shaqaale tiro badan, lama odhan karo xooga shaqaaluhu way ku yaryihiin, dhakhaatiirta gobolka oo dhami waa halka ay isugu soo urureen ee ay ka hawl galaan. Faqiir kama aha shaqaale xoogan.   Waxa uu helaa caawimo dhaqaale oo fara badan dhankastaba, haday noqoto qalab wax ku ool ah, haday noqoto agab caafimaad, haday noqoto dhisme, haday noqoto maaliyad.   Waxa uu ka helaa taakulooyinkaasi ganacsatada gobolka Awdal, Qurba jooga, Hay’adaha caalamiga ah iyo qaranka Somaliland.

 borama hospital

Shalay Sida uu Ahaa

Isbitaalka Borama waxa uu kamid ahaan jiray Somaliland meelaha calaamada fiican u noqotay bulshada caalamka, marka loo eego shaqada ka socoto iyo habka maamul ee uu lahaa wakhtiyada qaarkood.   Waxa uu ahaa meelaha horumar la taaban karo ka socdo oo muuqda.

Waxa uu ahaa meesha uu isugu yimaado bukaanka Somalilland oo dhami,   waxa laga samayn jiray qaliino waawayn iyo hawlo caafimaad oo kale oo badan. Waxa ka hawl gali jiray Hay’ado waawayn oo caalami ah oo sameeya qaliino faro badan oo noocyo badan leh.

Waxa dusha ka maamuli jiray isbitaalka gudi caafimaad oo ka madax banana shaqaalaha caafimaadka, isla markaana gaadhi jiray go’aano wax ku ool ah, sidoo kalena maamuli jiray habka maaliyada ee Isbitaalka.

Waxa uu isbitaalku ka madax banaanaa musuqmaasuq iyo nin jeclaysi oo waxa awooda badan la saari jiray in la maamulo dhaqaalaha iyo maaliyada isbitaalka.

 

Maanta iyo Sida uu yahay

Isbitaalka Borama oo ahaa muraayada Gobolka Awdal laga daawado waxa maanta ku habsatay Budhcad aan hubaysnayn,   Waxa uu lamid yahay Dhismihii West Gate ee Keyna wixii ku dhacay wax lamid ahi inay ku dhaceen oo aanu waliba kasoo kaban doonin waligii.

  • Waxa ay bulshada reer Awdal maanta ku mashquuleen siyaasad aan aabe lahayn oo wax kasoo gala aanu jirin laakiin meeshii qof kasta oo bukaan ah la jiifinayay ayaa qudhunsan oo damiirkiina aanu arkayn.

  • Maamulkii isbitaalka guud waxa ay ku mashquulaan wax aan xuub caaradeed ahayn,   waxa ay isku jiid jiidanayaan wax aan qiimo badan ku fadhiyin.

  • Waxa maanta shaqaalaha masaakiinta ah ee shaqaale hoosaadka ah ee isbitaalku ay la liitaan mushahar la’aan iyo dactaro hor leh oo korkooga ka muuqata,   waxaana lagu sheegaa in ay jirto dhaqaale la’aan isbitaalka.       Hase ahaatee dhanka kale waxa ka socda isbitaalka dhismayaal faro badan oo aa ugu fadhiyin ujeedooyin badan, waxtar badana aan u lahayn bukaanka liita.

  • Waxa ka muuqata Isbitaalka in uu hoos u dhac wayn ku yimid adeegii loo qabanayay bukaanka, oo loo sababaynayo       dhaqaale xumada ku habsatay shaqaale hoosaadkii masaakinta ahaa ee aanay jirin wax ay ula hoydaan guryahoogii, ayna yaraatay dardartii iyo niyadii fiicnayd ee ay u hayeen shaqadoodu.

  • Waxa joojiyay taageeradii xag farsamo iyo xag maaliyadeedba hay’adihii hore ugu lugta lahaa ee isbitaalka tooska ula shaqayn jiray oo joojiyay dhamaanba taageeradoodii, qurba joogtii soo caawin jirtay, iyo hay’adihii samofalka caafimaad ka dhex samayn jiray Isbitaalka.

Hadaba qodobadan aan kor ku xusnay waxa aabo ka ah oo dhacdooyinkan u sabab ah?

  1. Waxa isbitaalka guud ee borama marka hore dayacay dhamaanba bulshada ku dhaqan Gobolka Awdal, waxa ay iloobeen umadu in ay ayagu lahaayeen isbitaalka guud ee Borama.       Waxa ay iloobeen in kala xisaabtamaan cida maamulka ah ee gacanta ku haysa. Waxa ay iloobeen meeshii bukaanka lagu haynayay in ay meeshan tahay. Waxa ay iloobeen cida bukaanka noqonaysaa in ay bulshada lafteeda kamid tahay. Waxa ay iloobeen lahaansho guud.

  1. Maamulka khuseeya ee dawladu waxa la garan laayahay cida ay ku halaynayaan waxyaalahan socda mise waaba qaabka wasaarada caafimaadku u shaqayso oo waa wax si caadi ah u socda.       Wasaarada Caafmidaadku way ka baxday masuuliyadii ay lahayd dhamaanteedba. Waxaanay taageertay sida ay wax u socdaan oo ah dib u socod.       Makra laga gudbo wasaarada aaway cidii ka danbaysay iyo hanta dhawrkii guud ee qaranku.

  1. Isbitaalka Borama xaqiiqdii majirto dhaqaale la’aan,       waxa laga qaadaa bukaanka dhamaanba adeega loo sameeyo bukaanka oo dhamays tiran, dhaqaalahaasina waxa uu toos ugu dhacaa qasnada Isbitaalka. Waxaa si qaldan loo maamulaa dhaqaalaha uu isbitaalku leeyahay waxaana ay dayacaad wayni ka timid dhamaanba maamulka Isbitaalka.

Guntii iyo gabo gabo:

Isbitaalka borama sidaan kor kusoo sheegnay waxa ku habsatay budhcad aan hubaysnay. Waxa si cadaan ah loogu takri falaa dhaqaalaha isbitaalka.   Qaabka xisaabaadka Isbitaalka waa wax aan cadayn waa habka ay Soomaalidu tidhaa “Qaataye Qaado” .   waa qaab aanay dhamaanba maamulka Isbitaalku aanay kala xisaabtamin cida xisaabiyaha ka ah. Waa qaab aad moodo in aan loogu talo galin in lagula xisaabtabo qofka xisaabiyaha ah. Waa qaab aad moodo in la fasaxay musuqmaasuqa isbitaalka loona fasaxay xisaabiyaha isbitaalka ee hada jooga.

Waxa ku dhacay shaqaalaha isbitaalka in lagu xisaabtamo mushaharkooga oo si toos ah jeebka loogu shubto sida dhawaan uu ka dhacay iska hor imaadkii Agaasimaha iyo Xisaabiyaha oo uu xisaabiyuhu dhamaanba jeebka ku shubtay mushaharkii shaqaalaha, lana waayahay dadkaa masaakiinta ah mushaharkoodii, dibna loogu qarafo tagay wixii lasiin lahaa dadkaa masaakiinta ah ee ka shaqeeya Isbitaalka.

Waxaa si toos ah loogu sii daayay Isbtitaalka wiilal da’ayar oo “Car Chasing iyo Crazy Racing” waxa afka Ingiriisiga lagu yiraa ku ciyaarta baabuurta ay ka iibsadaan dakhtilaga yar ee dabnaha loogu qooyo shaqaalaha dayacan ee isbitaalka.     Sida dayaxu u iftiimo ayay u iftiimaysaa mushkilada ka aloosan Isbitalka Borama dhamaana way ka dhugtaan arimaha Isbitaalka dadwaynaha ku dhaqan gobolka Awdal iyo Qaranka Somaliland ba laakiin wali waa la eegayaa waxna lagama qabto “Tolow yaa u maqan”.   Adeega caafimaadka ee isbitaalka waa mid lacag ah, oon qofna loogu shaqayn lacag la’aan.

Xisaabaadka Isbitaalka waxay ku sifoobeen qaab loo magic bixin kari waayay,   hab loo qaatay in sida saxda ah ay tahay oo aan kadamqasho lahayn.   Hab uu diidayo damiirka caafimaad qaba.

Waxaa shahaado sharaf kala duwan lagu gudoonsiiyaa shaqaalaha xisaabaadka Isbitaalka munaasabado kala duwan, su’aashuse waxay tahay “Ma musuqmaasuqaa shahaadooyin la isku siiyaa. Waxa se cad maanta ciroole iyo dhamaanba Mihnadlayaasha caafimaadka ee da’ada wayn iyo Maamulkuba guunka ahiba in ay taageero buuxda siiyaan in isbitaalka loogu amba boxo boob iyo lunsi waxa yare ee bukaanka laga qaado.

Maxaa Xal ah?

 

Umadyahay haloo damqado dadka liita iyo bukaanka,   yaa lagu eegayaa arinkan? Waxa ay masuuliyad wayni kasaarantahay dhamaan qaybaha bulshadu ka koobantahay oo dhan. Gaar ahaan waxa ay masuuliyadi ka saarantahay.

  • Maamulka caafimaadka gobolka
  • Haydaha dawlada ee gobolka
  • Hay’adaha Wadinga ah
  • Wasaarada Caafimaadka gaar ahaan Wasiirka Caafiimaadka
  • Hanti dhawrka qaranka
  • Xildhibaanada golaha deegaanka eek u hawlan wax aan shaqadooda ahayn iyo Mayor ka oo ay jiidjiitaan.

Waxana jiri doonta maalin laga xisaabtami doona shakhsi kasta oo ku lug leh oo uu Allah (SW) waydiin doono maxaad u eegaysay arimaha noocan ah, oon jawaab lahayn laakiin leh ciqaab Alle.

 

Ogaysiis:

Dhamaan waxaan dadwaynaha reer Awdal ogaysiinayaa in Xogta Dahsoon ee Gobolka oo ku wajahan dibudhaca, musuqmaasuqa,   lunsiga hantida, siyaasada foosha xun lagu falanqayn doono, waa xog dhab ah, waa sawirka dhabta ah ee arimaha Gobolka.   Todobaad kasta waxan u gudbin doonaa dhamaanba saxaafada madaxa banaan ee Somaliland.

By: Awdalword

Email: awdalword@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here