Waa dabaayaqadii sanaddii 2002 waxaan ka mid ahaa arday soomaali ah oo dhigata jaamacadaha kala duwan ee dalka ciraaq isla markaana qaarkayo waxay ka mid ahayeen Xisb Al-Bacas Al-carabi Al-ishtiraaki oo u taliya Dalkii Ciraaq, abaalna waa ay nagu lahaayeen oo deeqda waxbarasho waxa na siisay dawladda Ciraaq iyo Xisb Al-Bacaska waxa kale oo noo wehelisay ixtiraam iyo qadarin dheeraad ah oo ay noo hayeen Soomaali ahaan. Hadaba maalmahan geerida Cisat Ibraahiim Al-Duuri oo dhagtayda kusoo dhacaysay oo warbaahintu leedahay waa la dilay waxaanu ka mid ahaa hadda hogaamiyayaasha ISIS waana maskaxdii ka dambaysay aasaaskoodii, aragtida aan ka haystay shakhsiyan wayse ka duwantahay oo asal ahaan waxa uu kasoo jeeday Cisat Al-duuri qoys diimeed u janjeedha xagga suufiyadda inkastoo la yidhi cadawgaaga cadawgiisu waa saaxiibkaa.
Hal adaygnimadii Cisat, habeen habeenada ka mid ah anoo wehelinayey nimaanu saaxiib ahayn oon u raacay Dhakhtar ku yaal xaafadda Al-Kaadimiyah ee magaalada Baqdaad isagoo ka cabanayey ilka xanuun, intii uu ku jiray qolka dhakhtarkha waxa aan sii daawanayey muraayad (tv) taalay dhakhtarka waxaana soo galay oo telefiishanka ka socday shirkii dawladaha Carbeed waaba oday u hanjabaya Amiirkii Kuwait oo ay isku af dhaafeen shirkii waana Madaxweyne ku xigeenkii Ciraaq Cisat Ibraahiim Al-duuri hadalkiisu waxa uu soo jiitay dareenkayga iyo dareenka dadkii Ciraaqiyiinta ahaa ee aanu goobta ku wada sugnayn oo iyagu si xooga ugu riyaaqay kalsoonidii iyo hadalla cadaantii Cisat iyo sida uu ugu goodinayey kuwait.
Cisat Ibraahiim Al-Duuri wuxuu ahaa masuul si weyn uga dhex muuqda shirarka Xisbiga, Wasiirada iyo Ciidamada aadna ay isugu dhawaayeen Madaxweyne Saddaam Xuseen Al-majiid oo ay kuwada jireen raggii dhaliyey kacaankii 1968 kii kadhacay ciraaq waana masuulkii wada hadallada khilaafka xuduudda kuwiat iyo ciraaq u qaabilsanaa dalkiisa, waana masuulkii dhexdhexaadiyey khilaafkii dhex maray boqor Cabdallihii Suciidiga iyo Qadaafigii liibiya, waxaase xusuus dheeraada nagu lahayd aniga iyo asxaab kale Xertii DARWIISH oo wax badan oo naga yaabiyey aanu ku aragnay Sayid Cisat Al-Duurina ka midka ahaa sida ay noo sheegeen.
Xerta darwiish xadradoodu waxa ay ku taalay meel u dhaw Masaajidka weyn ee taariikhiga ah ee Sheekh CabdilQaadir Al-Jaylaani ee badhtamaha magaalada Baqdaad waxaana nasoo tusay noona geeyey wiil dhalinyarada ka mid ahaa oo hore u booqday kana yaabiyeen waxa ay soo bandhigaan maalin ka mid ah todobaadka iyo waxa ay aaminsan yihiin.
Maadaama oo aanu ku cusbayn marka laga reeba inankaas aad ayey noo soo dhaweeyeen waxaanay nooga sheekeeyeen waxa ay yihiin iyo mucjisaadka ay sameeyaan iyo waliba inay dalal badan oo islaama xertu ku fidsantahay iyo magacyada masuuliyiinta waaweyn ee ka tirsan Cisat Ibraahiim Al-Duuri-na ku jiro iyo waliba dad kaloo caan ah.
Bandhig ay ku tilmaameen mucjisada u gaarka ah xerta ayaa ay na tuseen kuna doodeen inaanu sixir ahayn iyagoo doodoodana ku xoojinaya waxa aynu wada akhriyeynaa dhamaanteen si wada jir ah intaan hawsha la bilaabin ama lagu guda jiro aayadaha sixirka lagu buriyo, waxa naga yaabiyey ee ay soo bandhigeenna waxa ka mid ahaa Qaraaradda laambadaha dhaadheer ee laydhka oo afka lagu jajabsanayo, toorey ama midiyo la isku dooxayo waxyeello ama dhimashana aan sababayn.
Sida ay ku dhacday in aanay wax yeello lahayn mar ay ka sheekeeyeenna waxa ay yidhaahdeen waxa u sababa yaqiinta qofka birtuna waxba ma disho ee ilaahaybaa waxna dila waxna nooleeya waana inaad taa aamintaa intaa ka sokowna waxa kale oo aad akhriyeysaa intaanad bilaabin adkaarka islaamka oo fara badan oo midba tiro go’an aad ka akhriyeysid sida Yaa Allaah, Allaahu Akbar IWM. Waxa ay noo qaybiyeen waraaqo yaryar oo ay adkaartaasi ku qoran tahay si ay nooga raaridaan nooguna qancinaya fikirkooda.
Maalin labaad wakhti galaba aniga iyo saaxiibkay Deeq Abiib oo ag marayna waddo u dhaw ayaanu isla garanay inaanu bal sii yara eegno xertii Darwiish soona marnay sidii caadadooda ahaydna aad ayey noo soo dhaweeyeen waxaanay na daawadsiiyeen albanno waaweyn oo sawirro ah oo ay ka muuqdaan bandhigyada ay sameeyaan oo warmo, seefo, biro holcaya, dab iyo waxyaabo tiro badan oo argagax badan oo ay samaynayaan waxaanay noo raaciyeen in ay diintu innoo sheegtay waxa la sixraa inuu yahay oo kaliya indhaha dadka (cuyuun al-naas) laakiin qalabka ama aaladda aan la sixri karin kamaraduna may qabateen hadii waxani sixir yahay. Cabaar markaanu la joognay ayaanu nidhi “waanu tagaynaaye maca salaama” waanay naga diideen waxaanay yidhaahdeen ” jooga sheekh hebal ayaa imanaya ee aad is aragtaane” ku tala galkayagu muu ahayn inaanu ku raagno waxaanan ugu jawaabay “hawlaanu lahayn barina imtixaanno ayaanu leenahay jaamacaddii wakhti kale ha innoo ahaato” waxay noogu jawaab celiyeen “mayee jooga sheekhaaba imtixaanka laftiisa idin siin doonee” anagoo anfariir kale nagu noqotay oo indhaha taagnay ayaan ugu jawaab celiyey “Dadka muslim ka ahi way is aaminaane waa hubaal inaan idinku soo noqonayno wakhti kale haddii alle yidhaa” sidii ayaanu kaga soo baxnay anagoo labadayadiiba yaaban oo leh waar badbaynu galnay ee maxaa inna soo mariyey.
Dhalinyaradii cagta ayey ka goysay kumanaanu noqon, markay waayeen cid u timaada ayey noo soo direen mid iyaga ka mid ahaa oo ay yidhaahdeen shakiga kasoo saar oo kusoo qanci aragtidii xerta Darwiish waxaanu noogu yimid xaruntii Dallada Ardayda Carbeed oo habeenkii lagu caweyn jirey, waanu nala soo fadhiistay waxaanu nagu yidhi ” ma waxaad is tidhaahdeen waa sixir oo shakibaa idin galay noo kaalaya oo waliba si aad u shaki baxdaan intaad tagtaan suuq al-carab meesha xawayaanada kala duwan lagu iibiyo maska ugu weyn kasoo iibsada idinkoo arkaya ayuu sheekhu liqayaa gabigiisaba”.
Tan iyo intii gacanta lagu dhigay dhamaan kawaadirtii xisbiga iyo xukuumaddii uu hogaaminayey saddaam waa shakhsiga kaliya ee ka mid ahaa dadkii ugu dhadhawaa Saddam Xuseen ee aan la qaban waliba xanuun ayaa u weheliyey cisat, marka aan maqlo Cisat lama hayo waxaa qalbigayga kusoo dhici jiray xertii Darwiish oo sida lagu qabtaa way adagtahaybaan lahaa.
Ilaahay naxariistii janno ha siiyo Sayid Cisat Ibraahiim Al-Duuri waxaanu ahaa Hogaamiyihii la wareegay hogaankii Xisbigga ee ciraaq geeridii saddaam dabadeed waxa kaluu ahaa nin qawmi ah (nationalist) una daacada afkaarta xisbiga iyo kacaankii 17 July 1968.
Khadar Baaruud
Hargeisa . Somaliland
khadarbarud@gmail.com