Daad-Madheedh 2-1 Vs Hawd: Rabshado Ka Bilaabmay Hargeysa Stadium, Dhawaaqa Rasaasta + Dhaawaca Dad Rayid Ah Oo Cusbitaalka Weyn La Gaadhsiiyay

0
118

ciyaaraha-gobollada

7 qof oo isugu Jira dad Rayid ah Iyo Askar ka tirsan ciidanka booliska ayaa dhaawacooda la gaadhsiiyay cusbitaalka weyn, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan cusbitaalka guud ee Hargeysa

Hargeysa (Hubaal) Kulankii gelinkii ee dambe ee maanta ay isku halleeleen xulalka Daad-madheedh iyo Hawd ayaa kusoo gabogaboobay 2-1 ay xulka Daad-maadh kaga adkaadeen dhiggooda Hawd.

Hadaba, waxaa goobtaasi ka bilaabmay rabshada ay dhigayaan taageerayaasha xulka Haw.

Wararka Hor Dhaca Ah Ee Naga Soo Gaaadhaya Garoonka Kubada Cagta Ee Hargeysa Stadium Ayaa Waxaa Ay Xaqiijinayaan In Ka Dib Markii Ay Dhamaatay Ciyaartii Ay Wada Ciyaarayeen Xulalka Gobolada Hawd Iyo Daadmadheedh Uu Bilaabmay Buuq Iyo Sawaxan Hadheeyay Garoonka, halkaasi oo taageerayaasha xulka gobolka Hawd Ay Bilaabeen Inay Shiidaan Ciyaartooyda, Ku Dhex Jira Gudaha Garoonka Ka Hor Intii Aanay Dhamaan Kubadu.  Ciidanka Bileyska oo ilaalinayay ammaanka nabadgalyada goobta ay ciyaaruhu ka socdaan ee Hargeysa Stadium Ayaa u Isticmaalay Suntan Dadka Kaga Ilmaysiisa, Iyo Rasaasta Rabadhka Ah.

Ka Dibna Waxaa Sii Laba Kacleeyay Buuuqii Iyo Sawaxankii Waxaana Faraha Ka Baxaday, Xaaladii Garoonka Kubada Cagta Ee Hargeysa Stadium.

Waxaanay Ciidanka Boolisku Isticmaaleen Rasaas Nool Nool, Taasi Oo La Rabay In Lagu Cabsi Galiyo Dadweynaha Rabshada Kiciyay oo iyagu u ahaa taageerayaasha xulka Hawd oo maanta laga reebay tartankaasi, taasina ay Keentay In Mudahraad Rabshada Wataa Uu Ka Bilaab  Barxada Hore Iyo Gudaha Garoonka.

Iyada Oo Dadweynihii Goobtaasi Joogay Ay Gubayeen Taayiro, Sidoo Ay Tuurayeen Dhagxaan.

Tirada dadka ku dhaawacmay ayaa ah toddoba qof oo isugu Jira dad Rayid ah Iyo Askar ka tirsan ciidanka booliska  oo La Keenay Cisbitaalka, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha cusbitaalka guud ee Hargeysa Walina Ay Anbalaasyadu Ku Maqan Yihiin, Garoonka Kubada Cagta Ee Hargeysa Stadium.

Daad-madheedh ayaa laba gool iyo hal (2-1) kaga adkaaday Hawd, sidaasna ugu baxay Afar-dhamaadka

Ciyaartan oo ahayd mid xiisaheedu aad u sareeyo ayaa goolka ku horumaray xulka Daad madheedh qaybtii hore ee ciyaarta waxaana lagu kala nastay hal iyo eber ay ku hogaaminayso Daad-madheedh. Balse markii ciyaarta la isku soo laabtey ayaa waxa ciyaaryanahada gobolka Hawd ay la yimaadeen goolkii barbaraha ahaa,

Balse goolkiisii labaad waxa la yimi xulka Daad madheedh oo rajadiisa koobaad ay ahayd in uu badiyo oo kaliya halka xulka Hawd uu doonaayay in uu bar bareeyo oo kaliya. Sidaasna waxa ku soo baxay xulka Daad Madheedh oo ay guruubkaasi ka soo wada baxeen xulalka Daad madheedh iyo Gabiley kana soo wada baxay guruubka B. Halka guruubka A ay kazoo wada baxeen Gobolada Saaxil iyo Awdal, Waxaana la iskugu beegayaa sida ay ugu soo kala baxeen kaalinta koobaad iyo tan labaad.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here