Hargeysa(Hubaal)-Daahfurka Buug Cusub oo la Magacbaxay Tudhaale ayaa Habeenkii Sabtidu Soo Galaysay Loogu Wanqalay Hoolka Jaamacada golis ee magaalada Hargeysa, Waxaana ka soo Qeybgalay Kumanaan Dhalinyaro ah oo iskugu jira Dumar iyo rag,sidoo kale waxaa madashaasi ku sugnaa qoraayo uu ka midyahay Cali Cabdi coomey iyo Maxamed Sadiiq dhame. Sidoo kale Waxaan Ka Maqnayn Guddomiyaha Xarunta Akhriska iyo Qoraalka Marwo Hoodo Ayaan Suldaan Aadan, waxaana ugu horeyn goobtaasi ka hadlay Marwo Ayaan
“aad ayaan ugu faraxsanahay Inaynu gardaadino barnaamijkeena,inaga oo dhalinyaro soocana ah,inaga oo cid ina wahelisaa jirin, muddo badan ayaynu u af-duubneyn inaynu dhagaysano dadka waa weyn,inaynu inagu tijaabino waxa inagu jira oo hal abuurkeena dibada u soo saarnaa, farxad ayay inoo tahay ,Xamse waa wiil da’ yar runtiina buuga intii uu waday aad ayaan xogogaal ugu ahaa waa uu dadaalay, marxaladahii uu soo maray” “buugani waxaa uu koobsanayaa sheekooyin fara badan oo ka weyn Xamse da’diisa,Xamse waxaa uu sameyay runtii malawaal aad odhanayso markaad buuga akhrinayso,talow qofka qoray ma hilaadii 1960 kii iyo mise ilaa todobatanaadkii aduu oday iyo wax uunbaad yara raad raadinaysaa uuno markaasa lagu odhanayaa waa wiilka halkaa uu sawirkiisu ku yaalo, qalinkaa ma jabo ayaynu leenayahay, waa bilow fiican diyaar ayaynu u nahay inaanu macmiil wanagsan oo buugaaga akhrista oo runtii ku tageera aanu noqono,dhalinyaro ahaan waajib ayaa nolosha inaga saran,waajibka ka saran qofka weyn ku ka weyn ayaa inaga saran, waajibka inaga saran waxaa uu yahay, ilahay subxaana watacaala markii uu ku abuuray kuumu abuurin dheel dheel iyo ciyaar ciyaar, u jeedo ayuu ka lahaa abuuritaankaaga, qof da’yar markaad tahay admigu saddex labatanaad ayuu maraa waa 20 qofka wax lagashado, 20 waxii lagashaday uu soo celiyo, iyo 20 isagu uu dadka wax gashado,nasiib daro ma helno 20 wax laynagashanlahaa oo si fiican uma helno, oo wadan curdina ayaynu ku noolnahay,20 aynu inaga waxii laynagashaday celin lahayn ayay labba inagu kulmaan, oo waxbaynu isgalinaa oo inagaa nafaheena horunmarina, waxna waynu celinaa markaa masuuliyadaa culus ee inaga ina saran, inaynu gedigeen ka soo baxno ayaa ina wada saran,ubadka dhabarkeena ku jirana aynu wax u reebno.”
Dhanka kale waxaa isaguna madashaasi ka hadlay, Qora Cali Cabdi Coomay waxaana uu yidhi “horta buugeena tudhale, magacaa oo qudha ayaad ka garataa oo magcu waa inuu ku deeqo,magaca tudhaale waa ereybixin af-soomaliya oo asala oo sii dabar go’aysay weeyi oo la soo nooleeyay, waxaa la yidhi buuga waxaa lagu iibsadaa 3 arimood, waa magaciisa, nuxurka ku jira, iyo magaca qoraaga, saddexdaas ayaa lagu iibsadaa ayaa la yidhi marka buug la iibsanayo, markaa imika buugan shuruudahii waa uu buuxiyay, oo magacii oo kaliya ayaa ina deeqaya oo inuu magaca oo kaliya ku deeqo weeyi,taas ayaaynu markaas walaalkeen Xamse u soo jedinaynaa inuu buugu yahay buug na deeqay”ayuu yidhi.
Sidoo kale waxaa isaguna halkaas ka hadlay guddomiyaha Maxadka Dhaqanka Af-Soomaliga Ee Jaamacada Golis Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cabdilaahi “Xamse hal sano ka hor ayaan iska baranay facebook, waxaan aad ugu xidhnaan jiray ereyada uu facebook ku soo qoro, markaa waxaa aad iyo aad faraxad weyn ii ah, wax ay dadkoobani la socon jireen inuu buug ka dhigay, maxadka jaamacada dhaqanka af-ka Soomaliga ee Golis waxaa uu u taaganyahay inuu ilaaliyo inuu horunmariyo inuu tageero, af-ka dhaqanka iyo agabka ay lahayd ummada soomaliyeed, gaar ahaan kuwa Somaliland, maxadka dhaqanka ee jaamacada waxaa la aas aasay 8 bilood ka hor, waxaan odhan karaa buugani buugagaan arki jiray waxyaabo farabadan ayaa uu kaga duwanyahay, waxyaabaha qaar waxaan dareemayaa Xamse inuu wakhti farabadan galiyay,oo uu halceliyay maskaxdiisana ka keenay, oo uu masuuliyay ama mala-awaalay, qisooyin dhaba ayaa ku jira buugan,waxa uu buugani leeyahay sheeko kastaaba waxay leedahay duluc iyo halkudhig aan loo sameyn kuwa kale,xataa qolooyinkeena wax qora ee wax mala-awaala,waxay ka bilaabaan, meel yar oo aad u liidata oo waxaad arkaysaa ninkasta oo qoraayi waxa uu odhanayaa iyada oo roob da’ayay, oo ay galab ahayd, ayaan arkay inan taltalaabsanaysa oo marada sidaa tidhi, kumaan arkin buugan Xamse intii aan akhriyaay,Xamse runtii aad iyo aad ayaan ugu hanbalyeeynayaa”
Gebagabadii waxaa halkaasi ka hadlay qoraaga buugga soo bandhigayay qora Xamse Siciid Kuuriya, waxaana uu ka hadlay marxaladahii kala gadisnaa ee uu soo maray buugan uu qoray “Marka hore waxaa mahad iska leh ilaaha subxaana watacaala ii fududeeyay inaan buugan ifka u soo saaro, kaas oo ahaa mid inbadan igu dhex wareegaysay, mar labbad waxaan mahad u qirayaa labbadayda waalid,kuwaasi oo iga caawiyay inaan buugan soo saaro,igu barbaariyay igu tababaray, inaan noqdo mid iskii isku taagi kara, waxbadana qabsan kara,intaas kadib waxan u mahadnaqayaa, maamulka iyo macalimiinta jaamacada golis, kuwaasi oo iga caawiyay inaan hoolkan ku qabsado, ugu danbeyn waxaan u mahadnaqayaa cid kasta oo iga caawisay, hal xarafna ha ahaatee inaan buugayga u soo saaro if-ka. “bugaygani waxaa uu iskugu jiraa, sheekooyin bulshadeena ku saabsan, oo nolosheena sal u ah, kuwaasi oo iskugu jira sheekooyin dhiirigalined, Wacyigelineed, Jacayl iyo Odhaayo aan sameeyey, sheekooyinku waxay iskugu jiraan qaar aan mala’awaalay iyo kuwo kale oo dhab ah.
Waxa qudha ee igu dhaliyay waxaa uu ahaa, waxaan arkay dhalintii ila midka ahayd oo run ahaantii ka tahriibaysa wadanka, oo niyad jabsan, oo aan u jeedin wadankoodana aan ku faraxsanayn, oo mararka qaar ku odhanaya miyay oloshaba, nafahooda kamay quusanin,ee inta ay nafahooda soo dhaafen ayay wadankoodi naceen, markaa waxay igu qasabtay, oo aan aad uga xumaaday oo aan wax ka qoro dhalinyaradaana dhiirigalin siiyo, ugu yaraan ha ahaato hal buugne.”