Daahir Rayaale ka Miisaan Weyn inuu kala Taageero Murrashaxiinta

0
193

By:Aadan Macalin

Waxa maalmahan la  isla dhex marayaa  in Madaxweyinihii hore ee Jamhuuriyadda Somliland Mudane . Daahir Rayaale Kaahin oo dalka ku soo fool leeyahay isla markaana uu ku biirayo xisbiga Waddani. Haddaba, dadka fikirkaasi aaminsan waxaan leeyahay Mudane Daahir Rayaale Kaahin waa muwaadin ka mug iyo miisaan weyn wakhtigan xaadirka nin ku biira oo kala teegaara xisbiyada talada dalka Somaliland tartanka ugu jira. Guud ahaan shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba waa mid uu magac iyo maamuus ka mutaystay dhammaantood hadday tahay wakhtigii uu talada dalka hayay iyo markii uu ka degayba.Sidaas darteed,  Mudane Daahir Rayaale waa tiir dhexaadkii dalka oo qiime weyna ugu fadhiya dalkan Jamhuuriyadda Somaliland. Daahir Rayaale kama suurta gasho inuu xisbi si gaar ah u taageero ama ku biro. Waxa kale oo tusaale inoogu filan in dalkan ay ku sugan yihiin saddex madaxweyne ku xigeen oo hore Xasan Ciise Jaamca, C/raxman Aw Farax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, kuwaasi oo midkoodna xisbi gaar ah taageerin iyagoo ilaalinaya qarnimada, dhexdhexaadnimada iyo sumacadda ay bulshada ku leeyihiin.  Mudane Daahir Rayaale isaguna wuu ka sii mudan yahay oo wuxuu dalkan ka noqday Madaxweyne.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here