Daayeer qadhaab doon ah ayaa kusoo baxay quraarad gob ku jiro, dabadeed waxaa uu damcay daanyeerkii inuu quraaradda kala soo dhex baxo gobka ku jiray, inta uu afkeedii eegay quraaradda ayaa uu arkay in afkeedu weyn yahay indhaha qac ku siiyey afkeedii, Ka dibna gacantii ayuu quraaradda afkeedii geliyay. Markii gobkii gacanta ku dhigay, ayuu is yidhi La soo bax, Maxaase ka qabsaday!!!!!?.
Daanyeerkii waxaa uu la kulmay mushkilad aanu filayn, gacantii ayaa uga soo bixi weyday quraaraddii, wax uu sameeyo ayuu garan waayay oo talo ayaa ku caddaatay!!!!. Gobkii uu doonayay gacanta ayuu ku hayaa, laakiinse yaa u miciina oo gacanta uga soo saara meeshan baas ee uu geliyey.
Ileyn Sow arrintuba waxa ay ahayd dabin loo qoolay , Isaga oo weli dhudhubtii ku jira, oo wuxuu yeelo garan la’, ayaa waxa ku soo baxay nin. Ka carar ayuu is yidhi, hase yeeshee ma awooddo taasna oo hadda keligii maaha ee waa uu culus yahay oo meel jaan buu gacantii la galay, wuu carari kari waayay.
Ninkii ayaa soo gaadhay oo qabtay. Inta uu kor u qaaday daayeerkii, ayuu gacantii uu kula jiray quraaradda ka dhir baaxay. Markii gacanta laga dhirbaaxay, ayuu siidaayay gobkii. Ka dibna gacantii ayuu la soo baxay. Daayeerki dabinkii quraaradda waa ka sama tabaxay, hasa yeeshee, ninkii dhigay ayuu u gacan galay!!!.