DAAWO SAWIRRADA Iyo Muuqaallo Naxdin leh oo Muujinaya Xaallada Abaartyu badday Barakacayashan iyo Gurmadka ay Masuuliyiintani gaadhsiiyeen
Balli Mataan (Hubaal)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badaha Somaliland Dr. Fu’aad Cabdisalaan Xasan oo uu weheliyo guddoomiyaha hay’ada wadaniga ah ee samofalka ee Gaaroodi iyo masuuliyiin kale ayaa maalintii jimcihii socdaal gurmad xambaarsan oo ay ku tageen degmada Balli Mataan oo ka tirsan gobolka Maroodi jeex waxaa ay deeq hu’ iyo gogol isugu jirta oo loogu talo galay barokacayaal abaartu hayaamisay oo illaa 200 qoys gaadhaya oo lagu ururiyey degmadaas ay ku wareejiyeen maamulka iyo waxgaradka degmadaas.
Gargaarkan oo loogu talo galay in loo qaybiyo qoysaska ay abaartu barokicisay waxaa ay ka koobnaayeen 200 oo caw-wood iyo boqol buste, kuwaas oo ay dhaqaalihiisa iska kaashadeen xukuumadda Somaliland iyo masuuliyiinta ururka Gaaroodi.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda kalluumaysiga Dr. Fuaad Cabdisalan Xasan iyo guddoomiyaha Gaaroodi Cali XAsan Xirsi oo wareejintii gurmadkaas warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tani ay tahay hormadii u horreysay ee taakulo loogu talo galay dadka deegaankaas ee abaartu saamaysay balse aanay noqon doonin tii ugu dembeysay.
Dr, Fuaad Cabdisalaan Xasan Agaasimaha Kalluumaysiga oo arrintan kaga hadlay qormo kooban oo uu xalay ku daabay barta uu degelka Facebook ku leeyahay ayaa waxaa uu kaga warramay socdaalkooda iyo wixii ay indhahoodu soo arkeen, waxaanu yidhi “In Ka Badan 200 oo Qoys oo Abaaraha Ka Soo Barakacay Ayaa Hoy (IDP Camp) Ka Dhigtay Dhinaca Waqooyi Barri Ee Degmadda Balli-Mataan, Gobolka Hargeisa. Dadkan oo Ka Soo Barakacay Dhulal Fog fog Ayaan Heysan Adeegyadda Aasaasiga u Ah Nolosha Bini aadamka.
Saaka Subax Jimceed [shalay] Ayaanu Booqanay Goobtan, Iyadoo Ururka Samofalka Ah ee GAAROODI Iyo Xukuumadda oo Iskaashana Ay gaadhsiiyeen Deeq Isugu Jirtay Biyo, Hu iyo Gogol ay gabaad uga dhigtan dhaxanta, Qorraxda iyo harradka darran ee Jiilaalka. Waxaan u Mahadcelinayaa Ururka Samofalka GAAROODI iyo Wasiirka Xanaanadda Xoolaha C/laahi Maxamed Daahir ( Cukuse) oo Deeqdan Sidii Loo Gaadhsiin lahaa Dadkan Gacan weyn Ka Geystay.
Ilaahaybaan Weydiisanaynaa in Abaaraha Inaga Soo Jabiyo, Raxmaadkiisana Noo Shubo.Haddaba Hoosta ka daawo sawirradii wareejinta deeqdaa iyo muuqaalka khudbadihii madasha ay masuuliyiintu ka jeediyeen