Burco (Hubaal) Badhisaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa Mar Uu Maanta ka Hadlayay Xuska Maalinta Qaran Ee 18 May ayaa sheegay inuu Madaxwayne Siilaanyo yahay Ninkii hogaaminayay SNM Markii Dalka la Soo galay waxaanu yidhi
” Bisha May waa bil inagu wayn 27kii burco ayaa la soo galay 31 kii hargaysaa la soo galay,waxaa hogaaminayay maalinta ururkii SNM Oo Oday ka ahaa Dagaalkaana saxeexay Madaxwayneheena Maanta jooga Axmed maxamuud Siilaanyo,Maantana Waa Maalintii aynu Magaaladan Burco Kaga Dhawaaqnay inaynu lasoo noqono Gobanimadeenii.
dhanka kale inkasta Oo ay Maanta Dadwaynaha Reer Burco Aad isu Soo Abaabuleen Sidii ay Dareenkooda iyo Hantidooda Ugu Cabiri lahayeen Qiimaha ay Leedahay Maalinta Gooni isu taaga Somalilad Ee 18 May isla markaana ay Dadwaynaha reer Burco ku soo Labisteen Calanka Sadexda Midab leh Ee Uu Tawxiidku Xaga-Sare kaga Xardhan yahay,
Sidoo kalena ay Cidamada Nabad-Gelyadu Heegan ku ahaayeen Goobta Debaal-Degani Oo ay Si Wayn u ilaliyeen Ciidanka Amaanku.
Waxaana Maanta Goobtii Lagu Xusayay Munasibada 18 May ka Maqnaa Habaynta iyo Maritaanka Waxaana Goobta Kaliya Gaado ka ciyaar ku Marayay Ciidanka Qalabka Sida Halka ay ahayd in Ardayda,Wasaaradaa,kooxaha Hidaha iyo Dhaqanku ay Soo Maraan isla Markaasna ay Soo Bandhigaan Muhiimadda ay Maalintani u Leedahay Bulshadda Reer Somaliland.
Ardayda.Masuliyinta Wasaradaha Ee Gobalka Togdheer ayaa iyagu Aan Saaka Samaynin Socod Waxaana Kaliya Oo ay isa soo Tumeen Garoonka Diyaradaha Burco Oo isagu ahaa Goobta Lagu Qabanayay Munaasibadaasi.
Waxaana ay Shegeen Dadkii iyagu Saaka Goob-Joog ka ahaa Munaasibadaasi inay Dhaliisheda ay Leeyihiin Maamulka Gobalka Togdheer Oo Iyagu Maalmihii u Danbeyayba Dhaqaale Xoogan ka urursanayay Shirkaddaha Ganacsiga Gobalka Togdheer.
Ugu Danbayntii ilaa iyo Hadda Lama Garanayo Ujeedada ka Danbaysay inuu Badhisabka Togdheer ka Been Abuurro Cidii Hogaminaysay Markii ay SNM Soo Gashay Dalka.