Maalin Qaran oo baroordiiq ah ayaa lagaga dhawaaqay waddanka Colombiya, kadib masiibo ku habsatay 32 arday oo carruur ahayd oo iyaga oo nool ku dhex ololay gaadhi bus ah oo ay saarnaayeen.
Carruurtan ayaa waxa ay u sii socdeen goobta ay wax ka baranayeen ee iskuulka.
Madaxweyne Juan Manuel ayaa isagu waxa uu ku jiray ololaha madaxtinada ee 25 May dalka ka qabsoomaysa, goortaas oo uu ku sii jeeday booqasho uu ku ololaysanayo inuu ugu baxo gobolada qaar, balse ay xaaladani kasoo dhexgashay isaga oo markiiba u kicitimay meesha uu shilku ka dhacay.
Madaxweyne Juan Manuel mar uu la hadlaayay waalidiinta carruurta gaadhiga ku dhimatay ayaa waxa uu yidhi” waanu idinla murugoonaynaa, dhammaan dalkuna waa uu idinla murugoonayaa.
Buskan ayaa waxa uu dabku qabsaday markii uu dareewalku uu ku weeciyay kaalin shidaal oo uu shidaal ku shub islahaa ayaa dab ka kacay oo baatroolka tuumbada soo raacay sidaasna ku bas belay baskii
Inta badan carruurtan da’dooda ayaa ahayd 12 jir iyo wax ka ayar.
Darawalka baska waday ayaa da’diisu ahayd 60 jir isla markaana imika ay looyaradu ay su’aalo weydiinayaan iyada oo garsoorka maamulka maxkamadu
Mustafe farouu sheegay in inta ugu badan masuuliyada