Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa waxa uu sharci daro ku tilmaamay heshiiskii saddexda xisbi Xalay ku heshiiyeen madaxtooyada ee ay isla meel dhigeen in doorashada madaxtooyada iyo Golaha wakiilladu dalka ka dhacdo December 2016-ka, waxaanu ku tilmaamay heshiiskaasi mid baal marsan sharciga oo aan geedna haysan.
“Waxaanu Maqlaynaa in Saddexda Gudoomiye ee Axsaabta Qaranku ay isku raaceen inay doorasho qabanayaan bisha December -2016-Ka,ma ogin sharciyada Axsaabta siinaysa Mudo kordhin,Hay’adda Qudha ee Dastuuriga ahi ee qaranka ee jirta ee wax kordhin kartaa waa golaha guurtida,golaha guurtiduna doorashadii waxay ka dhigeen bisha 27-ka March -2017-ka,madaxweynaha iyo gudida doorashooyinku waxay xaq u leeyihiin bishaa loo cayimay goortay ka dhigayaan,waana u fasax,laakiin cid kale oo dastuurka iyo sharciyada qaranku siinayo awood qarameed oo wax kordhin ah ma jirto”.