Guddidii loo xilsaaray xalinta markabka MV Shakir1 ee kahasaaraha soo gaadhsiiyay baabuurtii ay ganacsatadu lahayd oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Berbera ayaa ka hadlay hawshii loo xilsaaray iyo sida ay wax ku soo gabagabeeyeen, waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay guddoomiyaha guddida loo xilsaaray arrintan iyo sidoo kale maareeyaha dekeda Berbera Eng Cali Xoorxoor Oo isagu ahaa masuulka qeybta ku lahaa in muwaadiniintan khasaaruhu gaadhay ay helaan magdhaw sidaa daraadeedna uu maareeyahu ku dhaqaaqay talaabo ah in marka hore uu xayiraad saaro markabka ilaa inta ay bixinayaan (cida markabka iska leh) magdhawga muwaadiniinta