HUBAAL TV: Daawo Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Dib U Celiyey Xeerkii Gacan ku Rimiska ah Ee Diiwaangelinta Oo Xukuumaddu Dhawaan Tahriibka Ku Dhex Marisay Wakiillada
Hargeysa (Hubaal)- Golaha Guurtida Somaliland Ayaa dib u Celiyey Xeerkii qeexayay habka loo marayo diiwaangelinta madaniga ah ee dhawaan xukuumaddu ku dhawaaqday inay dalka ka bilowday.
Golaha Guurtida oo In Muddo Ah soo rog-rogay Xeerkan iyo qoddobada uu ka kooban yahay ayaa sheegay in ay ku jiraan qoddobo ay sheegeen inay ay dal-daloolo ku jiraan, sidaasi darteedna aan la sii deyn Karin ama la ansixin Karin ilaa dib loo saxo wax ka beddelna lagu sameeyo xeerka, waxaana ay dib ugu soo celiyeen golaha wakiillada.
Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalkaasi Md. Siciid Jaamac Cali (Timo weyne) ayaa xildhibaannadu ayaa xeerkan ooh ore loogu qaybiyey isla markaana u muuqday mid ay kasoo baaraan degeen waxa ay cod ugu qaadeen qoddobada u baahan in wax laga beddelo ama sababta u ah in dib loo celiyo xeerka.
HAddaba Guji Sawirkan Hoose Oo Daawo Warbixinta Hakinta Diiwaangelinta Oo dhamaystiran