Abu Bakar oo ka soo baxay muuqaal fidiyow ah oo ay dhif iyo naadir tahay inta la arkaa, ayaa sheegay in hablahaas loo kala qaybin doono
Abuja, (Hubaa/Agencies):- Hogaamiyaha Maleeshiyada Islaamiga ah ee dalka Nayjeeriya ee Boko Haram, loogu yeedho, Abu Bakar Chico, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay halka ay ku danbeeyeen ilaa 200- Hablo ah oo ay ka afduubeen dugsi boodhin ah oo ay wax ku baraneeyeen.
Abu Bakar oo ka soo baxay muuqaal fidiyow ah oo ay dhif iyo naadir tahay inta la arkaa, ayaa sheegay in hablahaas loo kala qaybin doono, wax adoon ahaan loo iibsho iyo kuwo loo guuriyo raga dumarka u baahan, cid wax laga waydiinayaana aanay jirin oo sidaa xaalku ku dhamaan doono.
Waalidiinta dhalay ardaydaas hablaha ah ee la afduubay ayaa iyaguna caasimada dalkaas ee Abuja, ka wada dibad baxyo ay ku doonayaan in xukuumada dalkaas ay culays ku saaran, in kasta oo xaaladu faraha ka baxday oo aan loo hayn xal deg deg ah.