Wasiir Shucayb Maxamed Muuse Oo Xuseen Axmed Caydiid Ku Tilmaamay Shakhsi Ay Hadalladiisu Ka Been-sheegayaan Mabda’iisa Dhabta Ah
“Bal dadka Waxaad U Sheegtaa Sharciga Kuu Fasaxaya Adiga Oo KULMIYE Ka Tirsan Cidda Inaad Wada-hadal la Furto Xisbi Mucaarid ah”
+++++
“Xuseennoow; Garyaqaanna Waad Sheeganaysaaye Kolkaad Leedahay KULMIYE Ayaan Ka mid Ahay Iyo Markaad Wada-hadallo Ayaanu WADDANI La Furnay Leedahay, Midkeed Been Sheegaysaa?”
++++++
“Xuseen Axmed Caydiid Waxaan Leeyahay Ha Noqon Sidii Qoladii reer Banii’ Israa’iil Ee Aayadaha Iyaga Khuseeya Indhaha Ka Qarsan Jiray, Kuwa Ay Doonayaanna Akhriyi Jiray”
Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda wershadaha Somaliland Shucayb ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu dhawaan wasiirkii hore ee wasaaradda caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid warbaahinta ka sheegay, kaasi oo ku saabsanaa hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo ee qaranka. Wasiir Shucayb oo shalay ka hadlay arrintan ayaa hadallada ka soo yeedhay Afhayeenka garabka caal waaga ah ee ka fellaagoobay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku maseeyey qoomkii reer Banii’israaiil ee is diidsiin jiray aayadaha khuseeya iyaga ee qur’aanka kariimka ah, kuwa ay doonayaanna akhrisan jiray. Wasiir Shucayb waxaa uu Xuseen Axmed Caydiid ugu baaqay in uu dadka ka jaahil saaro mabda’iisa dhabta ah ee uu aaminsan yahay siyaasad ahaa.