MUUQAALLO Cajiib Ah Oo Ku Saabsan Kormeer Uu Agaasimaha Guud Ee Kalluumaysiga Ku Maray Mashaariicdii Uu Madaxweyne Siilaanyo Hore Uga Furay Degmada Laas-qorey  

0
96

 

Dr. Fu’aad Cabdisalaan Xasan, Agaasimaha Guud Ee Kalluumaysiga Somaliland Oo Maalintii 2aad Ku Sugan Deegaanka Laas-Qoray

Laasqorey(Hubaal) Agaasimaha Guud Ee Kalluumaysiga Somaliland Oo Noqday Masuulkii Ugu Horeeyay Ee Laba Habeen U Hoyda Deegaanka Laas-Qoray, ayaa Soo Kormeeray Wax-qabadka Laga Hirgaliyay Deegaankaasi . Agaasimaha guud ee Wasaaradda kalluumaysiga Mudane Fu’aad C/salaam oo todobaadkii ugu danbeeyay safar ku shaqo ku marayay Xeebta Dheer Ee Somaliland. Agaaasime Fu’aad ayaa laba habeen u hoyday Deegaanka Laas-qoray, waxaanu soo kormeeray Warshada Laas-qoray, shirkadaha kalluumaysi, isagoo kulamana la qaatay Odayaasha Deegaanka iyo Kalluumaysatada .

Safarkan uu agaasimahu ku tagay Deegaanka Laas-qoray ayaa Ah mid Tariikhi ah taas oo uu ugu Kuur galayo Xaalada Kaluumaysatada Deegaankaasi ku sugan oo Aanay Maamulka Somaliland Wada gaadhin,waxaana uu agaasimahu noqonayaa masuulkii 1aad ee laba habeen kaluumaysatada sidii uu uga war hayn lahaa baradooda la joogay.

Agaasimaha ayaa maalmaha soo socda la filayaa in uu qalab Kalluumaysi iyo Raashin ku filan 900 Qoys u qeybin  doono Bulshada deegaanka Laas-qoray .

Si kastaba ha ahaate, masuulkan ayaa noqonaya masuulkii ugu horeeyay ee laba habeen u hoyda Deegaanka Laas-qoray, iyadoo ay adagtahay in masuuliyiintu u safraan Deegaankan, iska daa in ay u hoydaane .

14872602_10206910914923027_1209667528_n aa
received_10206918307507837

daawo-sawirro-badan-agaasimaha-guud-ee-kalluumaysiga
sss

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here