DAAWO Muuqaallo Qarsoodi Ah Oo Shalay Maxakamadda Dhexdeeda Lagaga Qaaday Wasiirrada Xukuumadda Ee Daaha dabadiisa Ka Hagayay Dacwadii Shalay Maxakamada Ka Dhacday

0
60

 

AKHRI: Qareennadii 1aad & 2aad Ee Difaacayay Masuuliyiinta HAATUF Maxay Kaga Jawaabeen Jewigii Shalay Uu Ku Furmay Kiiskii Jan-jeedhay Ee Maxkamadda Ka Dhacay+DAAWO SAWIRRO Markhaati Ah U A

Masuuliyiinta Haatuf oo xorriyad ay ku tageen Maxkamadda laga qaaday, iskuna beddelay maxaabiis + Dudmadii Qareennada+ Dooddii Xeer-ilaalinta + Ammaanka oo aad loo adkeeyey

Hargeysa (Hubaal)- Dacwadda ka dhan ah masuuliyiinta wargeyska Haatuf, isla markaana ay dhibbanayaal ka yihiin Wasiirrada Macdanta, Arrimaha Gudaha iyo Baashe Cawil Xaaji Cumar oo ah wiil madaxweyne Siilaanyo soddog u yahay oo dhegaysigeedu ka bilawday Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex shalay, ayaa garsooraha dacwadda qadaayey xukun rumaan ah u diray Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha wargeyska Haatuf – Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige.
Wargeyska Haatuf oo hore go’aan maxkamaddeed loogu xayiray, kadib markii lagu eedeeyey inay baahiyeen warar lagu aflagaadeeyey masuuliyiin qaran, ayaa mar kale masuuliyiinta wargeyskaas xukun xabsi oo rumaad ah lagu riday shalay, iyadoo lagu eedeeyey inay dambiyo cusub ku galeen gudaha maxkamadda muddadii dhegaysiga dacwadoodu socotay.

Ammaanka Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa si xooggan loo adkeeyey shalay, waxaanna ciidammo kala duwan oo isugu jira booliska caadiga ah iyo ciidanka sida gaarka ah u tababar ee RRU-da la dhoobay jidadka maxkamadda muddadii dacwadda wargeyska Haatuf socotay, loomana ogolayn saxaafadda madaxbannaan, iyadoo masuuliyiinta kiiskaas dhibbanayaasha ka ahina goob-joog ka ahaayeen maxkamadda.

Wasiirka Macdanta oo isna barxadda dhexe ee maxkamadda gobolka taagan
Wasiirka Macdanta oo isna barxadda dhexe ee maxkamadda gobolka taagan

Hasayeeshee, sida ilo-wareedyo kala duwan u xaqiijiyeen Jamhuuriya, waxa maxkamaddu dhegaysatay dooda Wasiirrada Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde iyo Macdanta Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo soo gudbiyey dacwada loo haysto wargeyska Haatuf, kuwaasoo soo sheegay in wargeyska xayiran ka galay dambiyo sucmad-dillis ah, isla markaana khatar ku ah amniga qaranka, kadib markii uu si joogto ah uga faafiyey warar ay ku tilmaameen kuwa been abuur ah oo aanay waxba ka jirin.

Dhegaysiga dacwadda oo muddo dhawr saacadood ah socotay, ayaa markii ay dhamaatay, waxa garsoorihii kiiskaas gacanta ku hayey amray in Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Haatuf muddo rumaan ahaan loogu hayo xabsiga, dhegaysiga dacwadooda dib loo bilaabi doono marka laga faraxasho dabaaldega maalinta qaranimada ee 18-ka May.
Qareennada difaacaya masuuliyiinta wargeyska Haatuf oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in ay ka baxeen dhegaysiga dacwadda, kuna eedeeyey garsooraha guddoominayay garmaqalka dacwadda inuu cabudhin iyo xaglin ku kacay, isla markaana waxay tilmaameen in ay duris ku samayn doonaan garsooraha, cabashana u gudbin doonaan masuuliyiinta garsoorka.
“Dacwaddu may ahayn dacwad garsoorku dhexdhexaad ka yahay, maxkamaddaa dhibbane ahayd oo tidhi anigaa wax la iga qoray, markaas ninkaasi garsoor caddaaladda muu helin, Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu maxkamadda dhexdeeda ka yidhi awood baan leeyahay, meeshana awood si xun u isticmaal baa ka dhacay iyo awood sheegasho oo awooda qaranka la sheeganayo, markaannu aragnay sida afduubka ahna waannu iskaga baxnay. Annagu waxaannu u gudbinaynaa hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqal-insaanka,” ayuu yidhi garyaqaan Xasan Cali Xasan Banfas oo ah qareenka koowaad ee difacaaya masuliyiinta Haatuf.
Qareen Cismaan Askar Maxamed oo ah qareenka 2aad ee difaacaya masuuliyiinta wargeyska Haatuf waxa uu garsooraha ku eedeeyey in garnaqistiisa xaglin ka muuqatay, sababtaasna ay uga soo baxeen dhegaysiga dacwadda, waxaannu yidhi; “Waxaannu ka cabanaynaa garsooraha dacwadda haya, dhexdhexaadna kama aha, waxaannu u ciiray xagga Xeer-ilaalinta iyo Wasiirrada, markaa taas waannu ka tashanaynaa nidaamka aannu uga gudbi lahayn, sababtaas darteed ayaannu uga soo baxnay. Waayo, garsooruhu cabudhin ayuu nagu sameeyey, aamusa, ha ka hadlina, taasina difaac ma noqonayso.

Wasiir Warancadde oo dhextaagan maxkamadda
Wasiir Warancadde oo dhextaagan maxkamadda

Qareen Cismaan Askar oo ka hadlaya tallaabada ay qadayaan waxa uu yidhi; “Cid dhibbane ah oo la keenay oo Haatuf haysata maba jirtaba, xafiiska xeer-ilaalintuna 11 qoddob oo eed ah buu keenay, 11 qof oo dhib sheeganayeyna laba wasiir oo kaliya laga keenay, cid kale lama keenin, waxaana nala gudban dariiqa sharci baannu maraynaa oo rafcaan baannu ka qaadanaynaa, maamulka sare ee Maxkamadanu u gudbaynaa, cabashaanannu gudbinaynaa, dacwaduna mid aanu dib ugu noqonayno maaha.”
Geesta kale, Madaxa Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cismaan Mire oo telefiishanka qaranka u waramay, ayaa sheegay in dacwadu si fiican u bilaabantay, isla markaana haddii dambi lagu helo masuuliyiinta Haatuf ciqaabtooda la marin doono, waxaannu yidhi; “Maanta (Shalay) subaxnimadii Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo ay ka bilaabantay dacwadii loo haystay eedaysanayaal Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirihii wargeyska Haatuf oo ku eedaysnaa qoddobo fal-dambi ciqaabeed ah oo ay ugu gafeen dad iyo danta qaranka, sidaa darteed dacwadaasi si fiican bay u bilaabantay. Yuusuf Cabdi iyo Tifaftiruhu dibad joog bay iska ahaayeen, sidaannu horeba u ballanqaadnay, iyagoo xor ah inay is difacaan, haddii dambi ku caddaadana xeer waa qabtaa waa muwaadiniin, haddii ay waxba ku caddaan wayaana in ay waddadooda cad cabaan.”

Xeer-ilaaliye Axmed Mire waxa uu intaa ku daray in Yuusuf Cabdi Gabboobe buuq ka dhex sameeyey Maxkamadda, dambina ka galay garsoorka, sidaa darteedna laga qaaday xorriyadii uu haystay. “Dacwadaas oo socotay markii laba markhaati la dhegaystay ayaa Yuusuf Cabdi Gabboobe waxa uu fal-dambiyo hor leh oo maxkamadda gudaheeda ah oo anshaxa maxkamadda ah oo buuq, dagaal iyo caytan laga dhegaysan kari waayey ah, ciddii kastana cay u jeediyey, Maxkamaddu caadi bay u dhammaatay, dabadeed garsoorihii dacwadda qaadayey wuxuu go’aansaday in xorriyaddii dibadda jooga ahayd uu ka celiyo oo la xidho, asbaabta isaga ka timi awgeed, dacwaddana waxa loo muddeeyey 18 May dabadeeda, kiiskiina wuu socdaa, waana la gebagebayn doonaa.”

Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftirihiisa Axmed Cali Cigge, ayaa markii la amray in la xidho waxa lagu qaaday baabuurta qufulan ee loogu talogay maxaabiista, iyadoo ay jeelka Hargeysa u galbiyeen saddex baabuur oo ciidanka RRU-du la socday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here