DAAWO: Nuxurka Khudbadii Xilwareejinta Wasiirkii Hore Caddaalada Iyo Dareennada Ku Xeernan

0
39

“Waxaan Umadda U Sheegayaa Inaan Saaka Halkan Ku Wareejinayo Xil Aanan Haynba Oo Xoog Lagu Qaaday,”

Hargeysa(Hubaal) Wasiirkii hore ee caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, oo maanta si rasmi ah xilka u wareejiyay ayaa sheegay inaanu xafiiskiisii dib ugu noqon tan iyo markii uu iscasilay kadib markii madaxweynuhu amar ku bixiyay inaan wasiir kaliyi galin wasaaradda uu iska casilay.

Wasiirka hore ayaa sidoo kale sheegay in iscasilaadoodii si weyn loo buunbuuniyay. Waxa uu sheegay in warbaahinta dawladda iyo kuwa ay gacanta ku leedahay u turjumeen in masuuliyiinta iscasilay wadeen inqilaab ama qaranka ay duminayeen.

Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu sheegay in madaxweynuhu jabiyay qodob dastuuri ah oo tilmaamaya in wasiirka iscasila ama xilka laga qaaday sii haynayo xilka wasaaradda ilaa inta si rasmi ah loogala wareegayo, taasina aanay dhicine ciidan la wareegay wasaaradda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here