Wasiir Maxamed Sheekh Cumar Xasan wasiir ku xigeenka dhaqanka iyo dalxiiska oo ku gudo jira safarkiisa gobolka Sanaag ayaa dadweynaha reer Ceerigaabo uga warrramay siyaasadda ay wasaaraddoodu u dejisay horumarinta goobaha dalxiska ee gobolkaasi caanka ku yahay.
Wasiirkuxigeenku waxa kale oo uu baaq nabadeed u diray isla markaana ka qayb qaatay ergada nabadeed ee ku dhex jirta beellaha dhawaan ku diriray deegaanka Ceel Afweyn