Daawo sawirada+Akhri: Prof. Amiin Cirro Oo Afur isugu keennay Aqoonyahanka JSL ee Wax ku soo bartay Hindiya

0
90

Hargaysa (Hubaal) – Prof. Maxamed-Amiin Yuusuf Cismaan (Aamiin Cirro) oo kamid ah aqoonyahannada reer Somaliland ee wax ku soo bartay Jaamicadaha wadanka Hindiya ayaa kulan afur wadareed ah isugu keenay ardaydii reer Somaliland ee wax ku soo bartay wadanka Hindiya kuwaas oo sanadkiiba hal mar kulankan oo kale yeesha isla markaana iskaga xog waraysta xaalladaha dhaqan-dhaqaalle iyo midda bulsho ee dalku marayo iyo weliba kaalinta ay jaaliyad ahaan ka qaadan karaan geedi socodka horumar iyo siyaasadeed ee Somaliland.

Kulankan afurka ah ee uu Prof. Amiin Cirro u sameeyay ardayda reer Somaliland ee kasoo baxay waxna ku soo bartay jaamacadaha dalka Hindiya oo galabta fiidkii ka qabsoomay hotelka Gacalle ee magaallada Hargeysa waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KUlmiye Jaamac Ismaaciil cige (Shabeel), Wasiiru-dawlihii hore ee wasaaradda macdanta iyo biyaha Yuusuf Cismaan Garas, Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha ISgaadhsiinta/Teknoolijiyada iyo Jidadka/horumarinta waddooyinka CaliSh. Daahir iyo Cumar-zeyid Cabdillaahi, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.
Madashan oo kulmisay wejiyada ardayda reer Somaliland ee labaatankii sanno ee u dembeeyey kasoo qalinjebiyey jaamacadaha dalkaasi ayaa kasokow magaallada Hargeysa waxaa ay sidoo kale iskaga kala yimaadeen gobollada dalka.
Ugu horeyn mid kamid ah guddidii qabanqaabada ee xafladdan soo agaasintay oo furitaankii kulankan ka hadlay ayaa sheegay in afur-wadareedkani aanu ahayn mid ku cusub jaalliyadooda balse uu ahaa taxane sanadle ah oo ay sanad kasta bishan oo kale isugu yimaadaan si buu yidhi ay iskaga xog-waraystaan xaaladda dalka isla markaana isugu baraarujiyaan sidii ay dhinacooda uga qayb qaadan lahaayeen horumarinta qarankooda, isaga oo masuulkani u mahad naqay sida ay marti sharaftu u soo ajiibtay casuumadii ay u fidiyeen.

Agaasimaha guud ee wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknooliyada Somaliland Cali Sheekh daahir oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay dhalinyarada reer Somaliland ee ka soo baxay jaamacadaha dalkaasi ku suntanaadaan isku duubni dhinaca fikirka iyo mabda’a Somalilandnnimada ah, isla markaana ay iska dhawraan inay ku milmaan wax kasta oo kala kaxaynaya midnimadooda iyo wadajirkooda. Agaasimuhu waxaa uu sheegay in ay aqoonyahannadani guntiga u giijistaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka xilligan loogu jiro daminta collaada ka oogan deegaanka Ceel afweyn taasoo xalinteeda cidda ugu horreysa ee laga sugayaa ay tahay buu yidhi aqoonyahannada dalka ee ay ka mid yihiin.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda jidadka Cumar Cabdillaahi Aadan waxaanu ku dhiirigeliyey jaaliyad ahaan in ay horsed u noqdaan sidii qarankoodu uga midho dhalin lahaa himiladiisa.

Ex- Wasiir Yuusuf osman garas oo xukuumaddii Madaxweyne siilaanyo xilal kala duwan kasoo qabtay isla markaan markii xukuumadda cusub talada la wareegtay ahaa wasiiru dawlaha wasaaradda macdanta oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulankani ahaa mid sanad kasta ay isugu yimaadaan, taasoo buu yidhi ay ku muujiyaan awooda aqoonneed ee jaalliyada ardayda Somaliland ee wax kasoo baratay dalka Hindiya u leeyihiin inay kaalintooda ka qaataan horumarka dalka,

Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Saylici oo jaalliyadu kusoo casuuntay kulankan ayaa isagu kulanka soo xidhay waxaanu ku bogaadiyey ardayda reer Somaliand inay halkaa kasii wadaan midnimadooda iyo dedaalka ay ugu jiraan waajibaadka qaranku ka sugayo.

Gabagabadii kulankii si quruxbadan ayuu kusoo xidhmay waxaana Aqoonyahan Maxamed Aamiin Yuusuf Cirro oo agaasinka iyo isu imaatinka aqoonyahan isagu lahaa sanadkan ayaa u mahad celiyey kasoo qayb galayaasha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here