Hargeysa(Hubaal) Guud Ahaan Wadanka Somaliland Waxa Maanta Si Balaadhan looga xusay maalinta Dhalinyarada Somaliland,oo ku suntan Maalintii Dhagax tuurka ee dhalinyaradii UFO.
Hadaba waxa maanat si balaadhan la isugu Soo Baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa taas oo ciidamada Qarankee kala duwan iyo Waliba arday aad u tiro badan isugu Soo Baxeen Gudaha Wadooyinka Caasimada Hargeysa, ugu Horayn waxa Halkaa Ka hadlay Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Dhalinyarada Somaliland Cabdi Casiis Xirsi Warsame “waxan Halkan hanbalyo uga dirayaa dhamaan dhalinyarada Somaliland meelkastoy jogaan waxaan aan leeyahay waa maalintiinii .
Waxan halkan ka tacsiyadaynayaa dhalinyaradii dhiigooga u hortay Sidii ay Xor u noqon lahayeen dhamaan waxaan Alle ugu baryaynaa in uu naxariistii jano Ka Waraabiyo waxa kale oo aan halka ka tacsiyadaynayaa cabdi Xamiid oo ka mid ahaa Golihii Labaad Ee Sonyo oo shalay gacan ka xaqdarani ku dishay Muqdisho,Sidoo kale waxaan halkan ka cadaynayaa in la so oaf jaray Khilaafkii Sonyo .
Sidoo Kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Dalada Sonyo Siyaad Cumar Cali “Waxaynu maanta Xusaynaa Dhalinyaradii Munaasibadan Maanta Ku Xusayno ee iyagu Sameeyay kacdoonki xaq ku dirirka,Sidoo kale waxaan hanbalyaynayaa Xubnaha ka nool ururkii Ufo Xubnaha Golaha Sonyo waxa maanta sharaf noo ah anagoo isku dhan xubnihii Sonyo in aanu ka soo qayb qaadano xuska maalintan Waxa kale oo aan ka tacsiyadaynayaa dhamaan ehelada qaraabada dadkii ku wax yeeloobay Xuskan maanta oo dhalay Xuska Dhalinyarada Somaliland .
Xuskan waa balaadhay oo waxa laga xusayaa kob iyo toban magaalo oo badhan ugu bariyayso saylacna ugu galbeedayso waa maalin ku suntay taariikhdeena waa maalin ku suntay sharafteena iyo milgaheena .
Gabagabdii waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Iyo Dhalinayarada Somaliland Cali Siciid Raygal “ Maanta waxa halkan aynu u taaganahay maalinta dhalinyarada Somaliland Dhalinyarada Somaliland waxa ay mudantahay in si gaara loo xuso oo la wayneeyo waxa aynu isla qaadanay in 20ka feebarwari loo asteeyo maalinta dhalinyarada somaliland, waxaan aad ugu mahad naqayaa cid kasta oo ka soo shaqaysay cid kasta oo ka soo shaqaysya Howshan .
Sidoo kale waxaan u mahad-naqayaa dhalinyarada Sonyo ardayda dhalinyarada ah ciidamada Qaranka Somaliland oo si Hagar la’aan ah uga qayb qaadanaaya dhalinyaradii maalintii xarnimadaa samaysay waa ta aan maanat qoraxdaa u taaganahay dhalinyaradan kale waxa looga baahanyahay iyaguna in ay la yimaadaan taariikh Ma guurto ah .
Waxaan guubaabo u soo jeedinayaa dhalinyarada maanta waxaan leeyay dhalinyaradii idinka horaysay waa kuwa maanta halkan loo taaganyahay idinkana waxaan idin leenahay noqda kuwo ay taariikhdu xusto waxbarasho ayaad haysaan dalkiinii iyo dadkiinii ayaad haysataan oo anabd ah,dhalinyarada somaliland waxaan leeyahay noqda kuwa gacmaha is haysta .
Munaasibadan ayaa guud ahaan maaanta si balaadhan looga xusay dhamaan gobalada iyo dagmooyinka somaliland munaasibadan waxa soo qabanqaabisay dalada ay ku midoobeen dhalinyarada Somaliland Ee Sonyo.
source:hadhwanaag