Hargeysa(Hubaal):-xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa booqasho ugu tagay gudoomiyaha wargeyska madaxa banaan ee Haatuf iyo tafiftiraha wargeyskaas oo ku xidhan jeelka magaalada Gebilay.
Masuuliyiinta ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Ucid oo loo ogolaaday inay gudaha jeelka galaan isla markaana is xog waraystaan gudoomiyaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftiraha wargeyska Axmed Cige oo ku xidhan jeelka magaalada Gebilay kuwaas oo loo haysto warar ay ka qoreen masuuliyiin ka tirsan xukuumada.
Ka dib booqashada ay masuuliyiinta xisbiga Ucid ku ugu tageen madaxda wargeyska Haatuf ee xidhan ayey warbaahinta uga war bixiyeen wixii ay kala kulmeen jeelka iyo, waxaanay xukuumada Somaliland ku dhaliileen xadhiga warbaahinta madaxa banaan ee soo noq noqda.
Ugu horayn xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo ka hadlay booqashada ay ugu tageen madaxda wargeyska Haatuf ee xidhan ayaa waxa uu yidhi bahweyne xisbiga Ucid waxa uu safar booqasho ah ku yimid xarunta gobolka Gebilay, waxaanan ku soo booqanay mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxaanan canbaaraynayaa xukunka qarsoon ee sharci darada ah laguna qaaday mujaahid Yuusuf Cabdi Gabooe, markii ay maxkamadu dhagaysanaysay kiiskiisa, markii aanu maxkamada waydiinay maxaad ku xidheen Yuusuf Cabdi Gaboobe waxay nagu yidhaahdeen wuu caytamay, laakiin waxa ka cay xumaa oo maxkamada horteeda ka caytamayey wasiirka arimaha gudaha.”
Maxamed Cali Muuse xoghayaha ciyaaraha“Haddii aannu nahay xisbiga Ucid waxaanu ka soo horjeednaa oo aanu canbaaraynaa wax kasta oo xoriyatul qawlka wax u dhimaya, waxaynu ogayn Hubaal ioyo tacadigii ku dhacay iyo ciidankii intuu galay qaarna dhaawacay qaarna dil ku sigteen, waxa ka danbaysay arimo kale oo badan oo loo gaystay saxaafada, tan maanta ugu danbaysaana waa jariirada la yidhaahdo Haatuf oo tacadiga iyo dhibaatada ku dhacday ay shacabka iyo aduunku ka qaylinayaan, xukuumaduna ka dhago adaygayso.”
Xoghayaha arimaha bulshada ee xisbiga Ucid Cabdiraxmaan Axmed Cali oo isaguna ka hadlay xadhiga Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa waxa uu madaxweynaha ugu baaqay inuu wax ka qabto xubnaha ka tirsan xukuumadiisa ee lagu eedeyey musuq maasuqa waxaanu yidhi “waxaanu maanta halkan u nimid safar khayri ah oo aanu ku soo booqanay mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo runtii dulmi ku xidhan kaas oo aanu doonayno inaanu umada iyo isagaba tusno sida aanu uga xunahay tacadiga halkan lagu keenay, waxa kale oo aanu uga tacsiyadaynayaa in maalintii uu u soo halgamay ee 18-ka may uu xabsi kaga jiro oo uu u xidhan yahay kii uu shalay la dagaalamayey ee dawladii siyaad bare la shaqaynayey, waana arin meel ka dhac ku ah halgankii umada, shalay ayey ahayd markii xubno ka tirsan xukuumada oo badhasaabo iyo agaasimayaal iskugu jira lagu eedeeyey bariisbaad canteen oo markii iyada oo aan laga qaadin xilkii katiinad lagu dhuftay oo maxkamad loo saaray maxaa kuwa maanta la eedeeyey kiiskooda loo hubin waayey ee kii ku soo eedeeyey loo xidhayaa, madaxweyne inamadaada xukuumadaada u cadaalad samee kuwana cadaalada mari haddii inamadii kuugu dhawaa musuq maasuq lagu soo eedeeyey.”
Naasir Badal oo ka mid ah xubnaha guddida fulinta ee xisbiga Ucid ayaa dhinaciisa ku baaqay in dib loo eego falalka ka dhanka ah warbaahinta madaxa banaan ee ka dhacaya wadanka waxaanu yidhi “Xadhiga Yuusuf Cabdi Gaboobe waa qudhaanjooy ku quus qaado, waxaanan odayaasha dhaqanka iyo golaha guurtida ka codsanayaa inay fara galiyaan arimahan dhacaya oo lays waydiiyo sababta ay warbaahintu ku xidhan tahay, oo lagala hadlo wasiirka warfaafinta iyo xubnaha kale ee ay khusayso.”
Xoghayaha xidhaadhka gobolada iyo degmooyinka ee xisbiga Ucide Cabdiqani Ibraahin Yuusuf Salaf ayaa dhinaciisa soo jeediyey in madaxweynaha la dareensiiyo inuu wadanku yahay mid dimuqraadi ah waxaanu yidhi “Haatuf waxa uu xidhan yahay inuu wax ka sheegay Moorgan oo madaxweynuhu sodog u yahay, madaxweynahana waxaanu u sheegaynaa inaau wadanku ahayn boqortooyo waana in loo sheegaa inuu wadanku yahay dimuqraadi haddii uu rumaysan waayana ha loogu dhaarto, madaxweynuhuna waa ninkii ugu dada waynaa Somaliland haddii uu xoriyatul qawlkii iyo xoriyadii saxaafada gacantiisa ku dilayo waa nasiib daro isaga u taala, duniduna si weyn aye uga hadashay warbaahintaa la xidhay.”
Sidoo kale waxa ka hadlay xadhiga madaxda wargeyska Haatuf xubno ka mid ah garabka haweenka kuwaas oo qayb ka ahaa waftiga xisbiga Ucid ee maanta booqday madaxda wargeyska Haatuf ee ku xidhan jeelka magaalada Gebilay.