Daawo Sawiro: Sheekh Maxamed Cabdi Umal Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa

0
214

Hargeysa (Hubaal) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Somaliland.

Soo dhaweynta Sheekh Maxamed Cabdi Umal Waxa Magaalo Xuduudeeda Wajaale ku soo dhaweeyay Wasiirka Diinta iyo awqaafta Sheekh Cabdilaahi Axmed, La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha xuquuqal Iinsaanka Barkhad Jaamac Xirsi, Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Gabiley Cali, salaadiin iyo ardaydii uu sheekhu waxbaray.

Sheekh Umal

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland oo ugu horeyn soo dhaweyntaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay dalka ku soo dhaweynayaan sheikh Maxamed Cabdi Umal.

sheekh umal1

Sidoo kale Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta Balaadhan ee loogu sameeyay Magaaladda Hargeysa.

sheekh umal2

Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa inta uu ku sugan Yahay Magaaladda Hargeysa la filayaa in uu muxaadirooyin u jeediyo shacabka reer Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here