Daawo+ Sawiro: Wasiir Xirsi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Ka Degay Washington DC Ee Cariga Maraykanka

0
38

Hargeysa (Hubaal) -Waftigii uu hoggaaminaayay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa gaadhay Caasimadda waddanka Maraykanka ee Washington DC, waftigan oo ay xubno ka yihiin Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabilay) iyo Marwo Sacdiya oo ka tirsan guddida qaran ee dhismaha wadada Ceerigaabo.

00088

Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, Guddoomiyaha Jaaliyada Washington Xaashi Ismaciil iyo dad weyne  ka tirsan Jaaliyada Somaliland.

Waftiga oo garoonka lagaga soo galbiyay gawaadhida martida waxaa la dajiyay goobihii loo sii diyaariyay iyadoo marti-qaad koodana ay ka mid ahayd  qado sharaf madaama ay ku beegmeen xiligii qadada taasi oo loogu sii talo galay,  Safiirka Somaliland ee waddanka Maraykanka Rashiid Gaaruf oo ka hadlay socdaalka Waftiga wuxuu sheegay inay jaaliyadaha kala qayb gali doonaan xusaska munaasibada qaran ee 18 May.

000091487692_10152406837858535_9080850063016768139_o

Wasiirka Madaxtooyada Xirisi Cali Xaji Xasan oo isna geestiisa ka hadlay ayaa u mahad-naqay dadkii ku soo dhaweeyay Magaaladda Washington DC, isagoo ugu bushareeyay inay munaasibada qaranka la ciidi doonaan. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay waftigu ka qayb galaan munaasibado kala duwan oo kuwaas oo lagu kala qaban-doono magaaloyin kala duwan oo ku kala yaala waddamada waqooyiga Ameerika.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here