Hargeysa (Hubaal)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey 86 arday oo ka qalinjebiyey jaamacadda HOPE University faraca ay ku leedahay magaalada Hargeysa ee dalkan Somaliland.
Xafladda qalinjebinta ardaydan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo heer qaran ah waxaa hadallo ka jeediyey masuuliyiinta jaamacadda oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha HOPE University Prof. Najiib Sheekh Cabdikariim oo ka warramay maraaxilkii ay soo martay jaamacaddu iyo kaalinta ay ka qaadatay horumarka waxbarasho ee dalka, isaga oo farta ku fiiqay guullo la taaban karo oo ay jaamacaddu muddadii ay jirtay u soo hoysay dalka.
Dhinaca kale waxaa hoggaanka Jaamacadddu uu shahaado sharaf guddoonsiiyey agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Cilmi Aadan oo Prof. Najiib Sheegay in uu ku mutaystay cilmi baadhis uu ka sameeyey jaamacadaha HOPE iyo Kampalla.