DAAWO SAWIRRADA: Agaasimaah Guud Ee KAlluumaysiga Safar Ku Jooga Berbera Kormeerna Ku Sameeyey Qaboojiyeyaal Lagu Xidhay Dahaadh Haynaya Qabowga Oo Wasaaradiisu U Qeybisay Kalluumaysatada
Berbera (Hubaal)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka badda Somaliland Dr. Fuaad Cabdisalaan Xasan oo maalmihii u dembeeyey safar shaqo ku joogay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera ayaa kormeer ku tegey xarunta wasaaraddiisu ku leedahay magaalladaas oo laga hirgeliyey dhismeeyaal cusub oo lagu kordhiyey iyo sidoo kale geer loogu talo0 galay dayactirka doonyaha kalluumaysiga oo halkaasi laga bineeyey.
Sidoo kale Agaasimuhu waxaa uu shirkaddaha wadaniga ah ee kalluumaysiga u qeybiyey qaboojiyeyaal ay wasaaraddiisu dayac tir ku samaysayay kuwaas oo lagu xidhay dahaadh haynaya qabawga loogutalo galay in kalluunka lagu keydiyo iyada oo aanay haba yaraatee wax dab ah oo badan isticmaalayn.
Qaboojiyeyaashan oo la filayo in maalinta berry ah xaflad ballaadhan oo ay ku wareejinayaan u samaynayaan isla markaana agasimaha guud ugu qaybin doono shirkadaha ku guulaystay qorituurka loo sameeyey qaybintooda, xafladaas oo ka dhici doonta magaallada Berbera..
Haddaba halkan ka daawo sawirrada qaboojiyeyaashan iyo kormeerka agaasimaha guud ee wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka baddu Dr. Fuaad Cabdisalaan Xasan